Bulsha:- Xiliyada qaar haweeneyda waxa ay caadadis saartaa ninkeeda mana siineyso waqti uu naftiisa la qaato waxaana shaki ku jirin ninku dabeecad ahaan in uu jecel yahay in uu ka dhaqmo maankiisa.
Reer Wacdaraha ayaa ku sheegeysa hadaad calamadahaan isku aragto in aad ninkaada cadaadis ku hayso oo aad u sareeya ee iska badel arintaas.
Ma siineysid waqti uu naftiisa la qaato: Hadaad isha ku haysid taleefankiisa mar waliba , sidoo kale aad dooneyso in aad ahaato meesha uu jogo tani waxa y muujineysa in aad cadaadis ka bad badis ah saartay , waxaana kula gudboon in aad ka laabato arintaan hadii aadan dooneyn in isna mid al mid ah uu kugu sameeyo.
Waxaad ka baqeysa mar waliba in uu kaa dheeraado: hadii uu kugu jiro dareen ah in nikaada maalin uun kaa tegayo tani waxa ay muujineysa in aad naftaada cadaadineyso , waxa uuna ninka jecel yahay haweeneyda isku kalsoon .
Hadaad Kaligaa wax qorsheysaneyso: waxaa muhiim ah in haweeneyda la tashato ninkeeda ka hor inta aysan howsha ay dooneyso qaban .
In aad si sir ah u gasho emailadiisa: haweeneyda waxaa la gudboon in ay ku kalsonaanto ninkeeda , waxana muhiim ah in uu lahaan karo wax yaabo u gaar ah hadaad calamadaaan isku aragto ogaaw cadaadis ayaad ku haysaa mana ku kalsoonid.
waad xanaaqeysa haddii uu gaaro go`aan u gaar ah : waxaa laga yaaba in ninkaada qorsheysto in uu la baxo baashaal asxaabtiisa waxaa muhiim in aad ka ogalaato ma ah in aaad ka xanaqdo hadaad jecleysaneyso in aad u raacdo meel waliba uu aadayo taasi wa cadaadis isna waa uu ku dareemaya .
Hadaba Warbaahinta Arimaha qoyska ee Wacdaraha.com ayaa kula talineysa lamaanayaasha Somaliyed in ay midba midka kale ka ilaaliyo wax yaabaha cadaadiska ku ah.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment