Yaa Caansan Sedex Atirisho Ee Sanadkaan Bollywood-ka Kusoo Biireen: Pooja Hegde Vs Disha Patani Vs Saiyami Kher

Bulsha:- Pooja Hegde, Disha Patani iyo Saiyami Kher waxay ka siman yihiin sedexdaan atirisho inay sanadkaan 2016 Bollywood-ka kusoo wada biireen.

Hadaba waxaa loo kuur galay lana soo bandhigay sedexdaan atirisho midka aan caansan madaama ay shacbiyad ku yeesheen filimada ay kasoo muuqdeen sidoo kalena Bollywood-ka taageerayaal badan ku kasbadeen ka mid noqoshadiisa.

Atirishada Pooja Hegde oo kusoo caan baxday filimkii Mohenjo Daro oo ay la jishay Hrithik Roshan ayaa sanadkaan barta Facebook ku yeelatay in ka badan 1.18-milyan oo taageero ah.

Pooja Hegde inay shacbiyad yeelato waxaa ka caawiyeen Hrithik Roshan filimkii ay la sameesay iyo ayadoo saxiixatay filim la sameyn doono Telugu Stylish Actor Allu Arjun.

Disha Patani oo kusoo caan baxday filimkii MS Dhoni oo ay la jishay ayaa haatan barta Facebook ku leh 1.11-milyan oo taageero ah.

Disha Patani shacbiyada ay yeelatay in badan waxaa ka caawiyay inay Tiger Shroff saaxiib la tahay meel walbana xidigtaan lagu hadal haayo.
Atirishada Saiyami Kher waxay kusoo caan baxday filimkii Mirzya oo ay la jishay Harshvardhan Kapooor waxayna xidigtaan Facebook ku leeyahay 448,959 taasi oo ka dhigan inay ka shacbiyad yar tahay Pooja Hedge iyo Disha Patani.

Sababtana waxay tahay in Saiyami Kher soo caan bixideeda Bollywood-ka aysan la shaqeynin atoore caan ah ama aysan haatan atoore caan ah saaxiib la ahayn.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment