Bulsha:- Bollywood wuxuu leeyahay dhinacyo mugdi ah, sheekooyin ay adag tahay in lala wadaago taageereyaasha shirkaddaan aflaanta dalka India. Mararka qaar waxaa jillaayaasha Bollywood dhexmara qalalaase gudaha ah ama waxay isku dagaalaan goob fagaare ah.
Intaas oo keliya ma ahane qaarkood ayaa laga yaabaa in gacanta lagala hadlo, laakiin ma ahan wax saxaafadda lala wadaagay. Baaritaanno dheer oo la sameeyey ka dibna waxaa lasoo ogaaday inay jiraan 12 shaqsi oo Bollywood ah oo loo geystay waxa loo yaqaano Physical Abuse. Qeybta koowaad oo ka kooban lix shaqsi ayaana idinla wadaagi doonaa.
01 – Fannaanka reer India Adnan Sami ayaa lagu soo eedeeyey inuu si xun u galay xaaskiisii hore ee Sabha Galadari, sababtoo ah wuxuu ku sameeyey waxyaabo fool xumo ah. Aflagaado ayuu u geystay, qalalaase ayuu ka kiciyey reerkiisa ka dibna wuxuu ku xujeeyey inay iska bixiso qiimo lacageed dhan HAL Crore si uu u furo. Lacagtaas wuxuu sheegay inuu magdhaw ahaan u doonayo.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment