Ma Waxaa Jira Dagaal Qaboow Oo U Dhexeeya Kangana Ranaut Iyo Shahid Kapoor?

Bulsha:- Atariishada muranka dhalisa Kangana Ranaut iyo Shahid Kapoor ayaa labaduba doorar hogaan ah ku yeelan doona filimka Rangoon ee uu agaasinkiisa leeyahay Vishal Bhardwaj. Waxaana xusid mudan inay labadaan xiddig sidoo kale ka mid yihiin jillaayaasha hogaanka u haya Bollywood.

Haddii Shahid uu keenay aflaanta sida Haider iyo Udta Punjab, Kangana waxaa lagu sheegay inay tahay atariishada ugu mushaarka badan Bollywood xilligaan. Sidoo kale wararku waxay sheegayaan inuu dagaal qaboow ka dhexeeyo Kangana Ranaut iyo Shahid Kapoor inkastoo ay xaqiiqadu tahay inay isla jillayaan filimkooda Rangoon.

Mashruuca sida weyn loo sugayo Rangoon wuxuu lahaan doonaa seddax hogaamiye waana Shahid, Kangana iyo Saif Ali Khan. Waxayna saxaafadda India ku mashquulsaneyd inuu dagaal qaboow ka dhexeeyo Saif iyo Shahid maadaama ay labaduba jaceyl la wadaageen Kareena Kapoor Khan, oo markii dambe noqotay oorida Saif Ali Khan.

Laakiin warraku waxay sheegayaan inay Kangana Ranaut haatan taako ku heyso Shahid maadaama ay dooneyso inay ku lug lahaato go’aan kasta oo ku saabsan filimkaan. Gaar ahaan dhanka muusigga iyo heesaha oo uu agaasinkiisa leeyahay Vishal Bhardwaj.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment