Bulsha:- Ranveer Singh iyo Vaani Kapoor filimkooda Befikre ayaa hoos u dhac aan loo baahneyn sameeyay Talaadadiisa kowaad madaama filimkaan gaabis sameeyay ganacsi ahaan.
Shabakada Boxoffice India ayaa sheegtay in Befikre uu malaintiisa 5-aad gudaha Hindiya kasoo xareeyay 3.75 Crore sidoo kalena filimkaan magaalooyinka waa weyn uu ka gadmaayay maal mihii ugu dambeeyay haatan ka gaabinaayo ganacsi ahaan.
Fadlan hoos kaga 5-maalmood ee ugu horeyso Befikre lacagaha uu gudaha Hindiya ka keenay:
Jimco – 10.25 Crore
Sabti – 11.50 Crore
Axad – 12.50 Crore
Isniin – 5 Crore
Talaado – 3.75 Crore
Wadarta Guud – 43.25 Crore (Trade Figure)

Sida muuqato Befikre todobaadka kowaad wuxuu keeni doonaa 49 Crore gudaha Hindiya waana lacago gaabis ah marka loo fiiriyo sedexda maalmood ee ugu horeesay filimkaan ganacsiga uu sameeyay waxaana la wada dhowri doonaa todobaadkiisa labaad sida uu ganacsi u sameeyo.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment