Bulsha:- Warar xan ah oo kasoo baxayey India ayaa sheegayey inay Sonam Kapoor ugu dambeyn guursan doonto sannadka soo aadan 2017ka, weliba cid kale ma ahan 31 sanno jirtaan ayaa la aqalgeli doonta wiilka ay saaxiibka yihiin Anand Ahuja, sida ay wararku sheegayeen.
Si kastaba ha ahaatee, shabakadda Mumbai Mirror ayaa xiriir la sameysay Sonam Kapoor si ay u wax uga ogaato wararkaan xanta ah. Hase yeeshee, atariishada Bollywood ayaa daaha ka qaaday in aysan diyaar u aheyn inay guursato sannadka soo aadan.
Sonam Kapoor ayaa u sheegtay wariyihii ka socday Mumbai Mirror: “Miyaad waalan tahay? Waxaani waa warar xan ah oo la isla dhexmarayo, waana wax iska caadi ah marka aad ka shaqeyso Bollywood.”
Ahuja ayaa waxaa dhowaan lagu arkay xafladdii arooska ee wiilka ay ilmo adeerka yihiin Sonam Kapoor, wixii intaas ka dambeeyey saxaafaddu waxay daaha ka qaaday inuu kusii dhowaanayo qoyska Kapoor Family.
Dhanka shaqada, Sonam Kapoor ayaa waxay dhowaan Akshay Kumar kala soo muuqan doontaa mashruuc uu leeyahay filimsameeye R Balki oo aan weli magac loo bixin.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment