Bulsha:- Kulanti wanaagsan akhristeyaasheenna qiimaha iyo qadarinta aniga mudanoow meelkasta oo aad adduunka ka joogtaan. Waa markale iyo barnaamijeenii 10 xiddig oo magac ku leh Bollywood iyo waxyaabaha quraafaadka ah ee ay aaminsan yihiin.
Waxaa hubanti ah inuu jillaa kasta oo Bollywood ah leeyahay dhaqan u gooni ah, laakiin dhaqammada qaarkood waa kuwo laga badbadiyey, waxaana loo aqoonsaday inay yihiin quraafaad.
Atooreyaasha iyo atariishooyinka Bollywood mid kasta wuxuu leeyahay dabeecad u gooni ah, dharka nuucyo gooni ah ayuu ka xiiseeyaa mid kasta, cunno gooni ah ayuu jecel yahay, baabuurka midab gaar ah haddii aysan aheyn dookhiisa waa uu ka tallaabsanayaa.
Qeybta seddaxaad ee barnaamijkeenna waxaan diiradda ku saari doonaa Hrithik Roshan iyo quraafaadka uu aaminsan yahay shaqsi ahaantiisu.
HR wuxuu leeyahay laba suul, waana wax dhif ku ah jillayaasha Bollywood
The Krrish of Bollywood, wiilka seddaxaad ee ugu soo jiidashada badan adduunka wuxuu ka mid yahay jillaayaasha ka xamaasha Bollywood kuwaasoo aaminsan quraafaadka.
Sidii aan hore idinkaga soo sheekeynay waxaa jira shaqsiyaad ka xamaasha Bollywood weliba xiddigo caan ah kuwaasoo quraafaadka aaminsan, tusaale ahaan labadii qeybood ee hore ee barnaamijkaan ayaan idinkugu soo sheegnay inuu SRK aaminsan yahay inuu nasiib u yahay lambarka 555.
Halka sidoo kale Ranpir Kapoor uu aaminsan yahay inuu nasiib wanaag u yahay lambarka 8aad maadaama ay tahay maalintii ay dhalatay hooyadiis isla markaana hooyadiis ayuu si weyn u jecel yahay, lambarkaasna si weyn ayuu nasiibkiisa ugu xiray.

Sida uu shaqsi kasta ogtahay Hrithik Roshan wuxuu gacantiisa midig ku leeyahay laba suul. 42 sanno jirkaan ayaana aaminsan in suulkaas dheeraadka ah ee uu ku leeyahay gacantiisa midig uu yahay nasiib uu dheer yahay ragga kale. Wuxuuna liiska jillaayaasha Bollywood ee quraafaadka aaminsan uga jiraa kaalinta seddaxaad.
Kolka xigga waxaan kusoo qaadan doonaa Aamir Khan iyo quraafaadka uu aaminsan yahay.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment