Bulsha:- 14-kii December 2001 waxaa si rasmi ah tiyaatarada loo saaray filimkii weynaa Kabhi Khushi Kabhie Gham ee Blockbuster-ka weyn noqday sidoo kalena iskooro lixaad leh Boxoffice-ka ka dhigay.
Filimka Kabhi Khushi Kabhie Gham waxaa wada jileen xiligaa 5-jilaa oo Bollywood-ka awood balaaran iyo shacbiyad lixaad leh ku leh Amitabh Bachchan, Shah Rukh Khan, Kajol, Hrithik Roshan, Kareena Kapoor iyo Jaya Bachchan.
KG3 waxaa Director ka ahaa Karan Johar wuxuuna ahaa filimkiisii labaad kadib Kuch Kuch Hota Hai oo sanadii 1998 All Time Blockbuster noqday.
KG3 duubistiisa waxay si rasmi ah u bilaabatay 16-kii October 2001 waxayna ka bilaabatay magaalada Mumbai kadib waxaa xigtay in filimkaan lagu duubay London iyo Masar.
KG3 wuxuu noqday filimkii ugu horeeyay ee Hindi ah kaasi oo gudaha dalka Jarmalka laga daawado sidoo kalena dalal badan ayuu ganacsigiisa markii dambe ku baahay.
Heesta Deewana Hai Dekho ee ku jirto filimka KG3 waxaalagu duubay qasriga boqortooyada UK Blenheim Palace waa filimkii ugu horeeyay ee halkaas lagu duubo!
Karan Johar wuxuu sheegay markii shaqada kowaad ee filimka KG3 Mumbai ka bilaabatay ay dad badan soo buux dhaafiyeen heesta kowaad “Bole Chudiyan” madaama dhamaan hogamiyasha filimkaan kasoo muuqdeen.
Sidaa darteed Karan Johar iyo kooxdiisa waxay dhiseen gidaar weyn oo aysan dadka kasoo gudbi karin markii duubista KG3 Mumbai ka socotay.
KG3 Tiyaatarada Marka La Saaray Lacagaha Uu Keenay Macluumaad Kooban:
Tiyaatarada la saaray: 500-tiyaatar
maalinta 1-aad lacagta uu keenay: 2.38 Crore
sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay lacagaha uu keenay: 7 Crore
Todobaadkiisa kowaad lacagaha uu keenay: 14.38 Crore
Cimri ahaantiisa lacagaha uu keenay: 56.65 Crore
Lacagaha lagu qarash gareeyay: 40 Crore
Lacagaha uu suuqyada caalamka ka keenay: $8.90M
Isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka lacagaha uu ka keenay: 135.53 Crore
15-sano ka hor lacagaha uu keenay qiimaha ay maanta u dhiganto: 288.72 Crore (Adjusted Net Gross)
Tirada Guud ee Tikit u goosatay filimkaan: 31-Milyan iyo 173,000 oo qof ayaa tikit u goosatay
Natiijada Rasmiga ah:BLOCKBUSTER
Iskoorada KG3 U Yaalo Ilaa Haatan Dhanka Boxoffice-ka:
Mudo 5-sano ah ayuu ahaa filimka lacagaha ugu badan suuqyada caalamka kasoo xareeyay ee Hindi sameeyaan waxaana iskoorkan kala wareegay sanadii 2006 isla filimka Karan Johar sameeyay Kabhi Alvida Naa Kehna.
Record Opening: si waali ah ayuu gudaha Hindiya kaga furma madaama hogaamiyaal awood badan la isugu keenay waana filimkii ugu horeeyay ee lacag 2 Crore ka badan maalinta kowaad Boxoffice-ka kasoo xareeyo.
Wuxuu kaga jiraa kaalinta 10-aad filimada loogu daawasho badan ee tikit-ka ugu badan loo goostay 25-kii sano ee ugu dambeesay waxaana filimkan tikit u goosteen dad gaarayo 31-Milyan iyo 173,000 qof gudaha Hindiya.
Waa filimkii ugu horeeyay ee Hindi ah kaasi oo todobaadkiisa kowaad kasoo muuqdo 10-ka filim ee Boxoffice-ka USA ugu sareeyo (1st Indian film to debut in top 10 chart of USA)!
Kabhi Khushi Kabhie Gham Iyo Abaal Marinada Lagu Qaatay:
Filimka KG3 wuxuu helay 14-abaal marin oo kala duwan ee shirkada Filmfare Awards inuu u tartamo, ugu dambeyntiisa 5-biladood oo Filmfare ah ayaa lagu qaatay bilawgii 2002.
Karan wuxuu sheegay xiligaas inuusan ka xumeyn in KG3 bilado yar lagu qaatay madaama uu aaminsanaa in filimkii Lagaan wax walbo u qalmay oo ay isku sanad soo baxeen laguna qaatay abaal marinadii ugu badnaa Filmfare.
Abaal marinada Filmfare Awards ee KG3 lagu qaatay waxaan ka xusi karnaa:
Best Actress: Kajol
Best Supporting Actress: Jaya Bachchan
Best Dialogue: Karan Johar
Best Art Direction: Sharmista Roy
Best Scene of the year: Kabhi Khushi Kabhie Gham..
Qiimeyna IMDb Rating uu KG3 Sheekadiisa:
Shabakada IMDb ee dalka Mareekanka laga leeyahay sidoo kalena filimada sheekooyinkooda qiimeyn ku sameyo waxay filimka KG3 sheekadiisa siisay 7.5/10 qiimeyn ahaan waana qiimeyn wanaagsan marba hadii 10-ka dhibcood ee ugu darajada sareyso 7.5 uu ka helay.
Aqriste Maxaa Ku Xasuusataa KG3 Sidoo Kalena Ma Yahay Filimka Aad Ugu Jeceshahay Ama Liiska Filimada Aad Ugu Jeceshahay Maku Jiraa…..
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment