Bulsha:- Inta badan waa wax iska yar inaad aragto aflaanta Bollywood oo la isku dhuuqayo, laakiin malaha waxaad u baahan tahay inaad markaas liiska ka saarto Emraan Hasmi. Si kastaba ha ahaatee, shaqsiyaadka caanka ah ee Bollywood mararka qaar ayey isku shumiyaan goob fagaare ah.
Marka laga hadlayo liiskaan waa inaad kasoo bilowdaa geesiga Bollywood Big Bachchan oo sida caadiga ah dhunkada xaaskiisa marka la joogo goobaha fagaaraha ah. Waxaana halkaan idinkugu soo gudbin doonaa liiska shaqsiyaadka caanka ah ee Bollywood oo goob fagaare ah isku dhunkanaya. Liiskaan waxaa uu ka koobnaan doonaa 17 qodob.
06 – DEEPIKA PADUKONE IYO RANBIR KAPOOR
Deepika Padukone iyo Ranbir Kapoor waxay ka mid ahaayeen shaqsiyaadka ka xamaasha Bollywood kuwaasoo jaceylkooda si weyn ay saxaafaddu uga hadashay. 30 sanno jirtaan waa ay isku dhiibtay Kapoor xitaa qoorteeda ayey ku calaameysay shabbad ka turjumeysa jaceylka ay u qabto.
Sidaas darteed, liiskaan shaqsiyaadka caanka ah ee Bollywood ee goobaha fagaaraha ah isku shumiyey maba ka maqnaan karaan Ranbir iyo Deepika, xitaa shumiskoodu waa uu ka baxay India, waxayna isku shumiyeen garoonka diyaaradaha Bangkok Airport si ay jaceylkooda adduunka ugu soo bandhigaan.
Wixii intaas ka dambeeyey xiriirkooda jaceyl waa uu burburay, Deepika waxay saaxiib la noqotay Ranveer Singh oo haatan jaceyl kala dhexeeyo, halka Ranbir oo khiyaamay uu haasaawe la sameeyey Katrina Kaif… Balse markii dambe iyana waa ay kala hareen.
07 – RISHI KAPOOR IYO NEETU KAPOOR
Waa aabaha dhalay Ranbir Kapoor. Hadda uu shuminayo Rishi Kapoor waa xaaskiisa. Laakiin goobtu waa fagaaro. Labadoodu xilligoodii fanka waxay ahaayeen laba la isugu talogalay waxayna isla keeneen aflaan badan oo guuleystay.
Ugu dambeyn waa ay isguursadeen, waxayna isku dhaleen Ranbir. Labadooda ayaa wadaagaya waqti gaar ah xilli ay xaflad kasoo qeybgaleen. Waxayna iskula bexeen goob u gaar ah si ay isku soo shumiyaan.
08 – RANVEER SINGH IYO DEEPIKA PADUKONE
Ranveer hore wuxuu u shukaansan jiray Anushka Sharma, laakiin xiriirkoodu markii uu burburay wuxuu gacanta ku dhigay Deepika oo niyadjabsan ka dib markii ay soo kala hareen Ranbir Kapoor. Wixii intaas ka dambeeyey xiriirka labadooda ka dhexeeya saxaafadda ayaa tooshka ku shiday.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment