Miyey Atariishada Jacqueline Fernandez Kusoo Laaban Doontaa Isticmaalka Snapchat?

Bulsha:- Jillaayaasha Bollywood waxay ku waalan yihiin isticmaalka aaladaha bulshada sida Facebook, Twitter, Instagram iyo Snapchat inta bandanna waxay kula xiriiraan taageereyaashooda ku sugan daafaha caalamka.

Waxaana liiskaas ku jirta atariishada saameynta leh ee Bollywood Jacqueline Fernandez, laakiin 31 sanno jirtaani waxaa ay dhowaanahaan yareysay isticmaalka mareegaha aadka loo jecel yahay ee Snapchat.

Atariishadaani waxay haatan inta badan isticmaashaa mareegaha Instagram, laakiin waxay u si waalli ah u istcimaali jirtay mareegaha Snapchat oo ay si wanaagsan ugula xiriirto taageereyaasheeda.

Shaqsi ku dhow Jacqueline Fernandez ayaa daaha ka qaaday inay atariishadaani si weyn u jeceshahay isticmaalka Snapchat. Taageereyaasheeda ayaana si weyn u suga markasta maadaama ay muuqaallo ugu soo dirto uguna muujiso jaceylka ay u qabto. Laakiin dhowaanahaan Jacqueline Fernandez waa ay joojisay isticmaalka aaladdaan.
Jacqueline kama aysan hadlin sababta ay u yareysay isticmaalka Snapchat, inkastoo mid ka mid ah taageereyaasheeda uu dhowaan su’aashaan ku weydiiyey goob fagaare ah una sheegay inuu u xiisay inuu ku arko Snapchat si uu muuqaalladeedii xiisaha lahaa u daawado.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment