Quruxley Twinkle Khanna Oo Shaqada Filimka Kusoo Laabatay Iyo Faah Faahin Ku Aadan

Bulsha:- Atirishada Twinkle Khanna oo isku badashay qoraa buugaag kala duwan qortay dhawaanahan ka mashquushay shaqada filimada Bollywood-ka ayaa la sheegay inay fanka dib ugu soo laaban doonto.

Waxaa la xaqiijiyay in Twinkle Khanna inay maal galin doonto filimka xiga ee seygeeda Akshay Kumar hogaamiye ka yahay sidoo kalena Director R Balki iska leeyahay.

Twinkle Khanna shirkad cusub oo filimada maal galineyso ayay sameesatay waxaana shirkadaas la dhaha Mrs Funnybones Movies ayadoo filimkeeda kowaad hogaamiye kaga dhigtay Super Star Akshay Kumar.

Filimkaan aan magaca loo bixinin waxaa Akshay Kumar la jili doonaan labada atirisho ee kala ah Sonam Kapoor iyo Radhika Apte halka Amitabh Bachchan muuqaal marti ah ku yeelan doono.

Twinkle marar kala duwan ayay filimada wax ka maal galisay ayadoo madax u ahayd shirkada Hari Om Productions ee seygeeda Akshay Kumar iska leeyahay.
Balse haatan shirkad ay iyada iska leedahay laguna magacaabo Mrs Funnybones ayay sameesatay waxaana leenahay nasiib wacan .








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment