Sawiro: Wax Badan Ka Ogow Qabiilka Ku Nool Dalka Hindiya Ee Ku Nool Cunista Hilibka Bini,aadamka!

Bulsha:- Qabiilka lagu magacaabo Aghori waa qabiil dagan Varanasi oo ka tirsan dalka Hindiya ayaa isku marti qaado hilibka bini,aadamka.

Qabiilkaan ayaa inta badan waxaa laga helaa meelaha lagu gubo meydadka oo ay deegaan ahaan u dagan yihiin iyagoo raadiyo qof bini,aadam ah oo ay arkaan si ay u cunaan hilibkiisa.

Wajiyada dadkaan ayaa ah mid cabsi badan, waxayna wajigooda ku asteeyeen dambaska meydadka la gubay waxaana luquntooda ku hareereesan kuulal.



Qabiilkaan mucjisada ah ayaa ku nool qabuuraha waxay aaminsan yihiin in cunista Hilibka Bini,aadamka uu yahay cibaado, sidoo kalana waxay maskaxda dadka ka cabaan dhiigga, sidoo kalan xayawaanada nool madaxooda ayey cunaan.


Cristiano Ostinelli oo ah sawir qaade u dhashay dalka Italy ayey u suurtagashay inuu si sir ah qabiilkaan sawiro uga soo qaado, wuxuuna la qaatay waqti badan si uu wax uga ogaado noloshooda, waxayna u sheegeen inay leeyihiin awood ay ku saadaalin karaan waxa dhici doono mustaqbalka.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment