Bulsha:- Atariishada banaanka isi soo dhigtay ee sida quruxda badan uga soo muuqatay filimka Befikre – Vani Kapoor – ayaa markaan cod dheer ku xaqiijisay iney tahay doob aan lamaane heysan isla markaana ay baadi goob ugu jirto qofkii ay lamaan kala dhigan laheyd inkastoo ay shuruudo badan soo bandhigtay.
Vani Kapoor waxaa lagu amaanay doorkeeda filimka Befikre [Shyra] taasna waxey ka caawisay iney noqoto qof ad-adag isla markaana ka fakarta nolosheeda dabiiciga ah.
Iyadoo ka hadleysay doorkeeda iyo sida ay dadka u heystaan iyada waxey tiri, “Waxaan u maleynayaa inaan ahay dadka u baahan in loo cudur daaro, sababtoo ah waxaan dareemayaa inanan qancin, yaa qancin kara daawadayaasha?” Ayey tiri Vani Kapoor.
Dhanka kale Vani Kapoor ayaa aduunka u xaqiijisay iney tahay doob isla markaana ay baadi goob ugu jirto qofkii nolosha lamaan kula noqon lahaa, balse waxey dooneysaa qofkii waali lahaa nolosheeda.
“Waxaan doonayaa qof dareen xoog leh u leh wax walba oo ku saabsan nolosha, Daacadnimada waa waxa ugu horeeya ee aan doorbidi doono, waxaana rajeynayaa inuu noqdo qofkii waali lahaa nolosheyda. Sidoo kalana uu noqdo qof igu waasha”
Dhanka kalana atariishadaan 28-jirka ah ayaa sheegtay ineysan fursad u heynin jaceyl ay la sameyso shaqsi ka tirsan shirkadda Bollywoodka taaso la micno ah in qof walba uu heysto fursad fiican marka lagu daro adiga oo ah akhristaha Filimside (kkkk).

“Waxey ila tahay iney adkaan doonto marka laga hadlo inuu yahay Actor, nuuca qof ee aan u baahanahay inuu lamaan ila noqdo” Ayey tiri Vani Kapoor oo meesha ka saareysa iney fursad siin karto dadka asaageeda ah ee kula jira Bollywoodka.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment