Bulsha:- Atariishada soo jiidashada badan ee Deepika Padukone sidoo kalana ku mashquulsan duubista filimka xiga ee Director Sanjay Leela Bhansali ayaa safar dhaqso ah ku aaday magaaladii ay ku dhalatay ee Bangalore, balse sababta safarkeeda ayaa ah mid qaas ah.
Sida warbixin lagu shaaciyay waxey casuumaad ka heshay maamulka iskuulka Maamulka ee Bangalore (Indian Institute of Management Bangalore) waxeyna ka qeyb gali doontaa ama la fadhiisan doontaa ardayda ka qalin jabineysa Machadka madama ay tahay qof soo jiidasho badan sidoo kalana dhiirigalinta ad ugu fiican hana ka reebin iney khibrad u leedahay iskuulka.
Deepika Padukone ayaa jaceyl iyo soo dhaweyn ka heli doonta dadka magaaladeeda si la mid ah ardayda iyo macalimiinta waxeyna ka codsadeen iney ka hadasho xafladda.
Si kastaba safarka Deepika ee Bangalore waa mid qaas u ah nolosheeda iyo nolosha dadka Bangalore gaar ahaan ardayda ka qalin jabineysa IIMB.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment