Bulsha:- Showga Koffee With Karan Season 5 wuxuu sannadkaan xambaarsan yahay xiiso aan dhammaad laheyn, xalqad kasta oo ka mid ah si weyn ayey daawadeyaasha u cajab gelineysaa, iyadoo xalqaddii ugu dambeysay uu kasoo muuqday Aamir Khan.
Showga uu daadihiyaha ka yahay Karan Johar ayaana si gaar ah isha loogu hayaa xalqaddiisa xigta sababtoo ah waxaa markii ugu horreysay si wadajir ah uga soo muuqan doona labada atariisho ee la jecel yahay Katrina Kaif iyo Anushka Sharma.
Katrina iyo Anushka ayaa siyaabo kala duwan uga soo muuqday showga uu daadihiyo Karan Johar markii ugu horreysay ayeyna ku midoobi doonaan showgaan labadii atariisho ee filimka Jab Tak Hai Jaan la hogaaminayey Shah Rukh Khan.
Waxaa xalqadda ay ku jiraan laga soo bandhigay muuqaalkii ugu horreeyey ee lagu xayeysiinayo, sida muuqatana Katrina Kaif iyo Anushka Sharma ayaa labaduba ku riyaaqaya waqtigooda.
Karan ayaana sida caadiga ah wuxuu su’aal lama filaan ah weydiiyey Katrina isagoo weydiistay inay sharraxaad ka bixiso haddii uu Salman Khan yahay saxanka oo kale maadaama ay hablo badan xiriir la sameeyeen isla markaana aysan ku guuleysan?
Katrina ayaase waxay Karan siisay jawaab u qalantay su’aashiisa, waxayna ku tiri: “Waa arrin aan laga jawaabi karin oo khiyaano ah.” – Si guud marka looga hadlo xalqaddaan Karan Johar wuxuu soo saarayaa sida ay u wanaagsan tahay inaad waqtiga oo dhan wadajirkooda daawato labada atariisho Anushka iyo Katrina.
Arjun Kapoor ayaa si lama filaan ah usoo booqday goobta lagu duubayey showgaan wuxuuna markiisii seddaxaad sannadkaan kasoo muuqday showga Koffee With Karan. Labada atariisho Anushka iyo Katrina ayaana hal mar isla shumiyey Arjun.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment