Faahfaahin Dheeri Ah Oo Kasoo Baxayso Gabdhii Kabta Nafta Uga Qaaday Ninkii Kufsanayey Iyo Xukun Adag Oo Ay Wajeyso

Bulsha:- Gabar  18 jir aheyd ayaa waxaa meel bulsha ah oo ku taal Bordeaux  ee dalka France kusoo weerar nin Cabsanaa  kaasoo doonayey inuu kufsado.

Ninkaan oo ahaa 30 jiray ayaa gabadhaan xoogay  inkastoo ay iyada dhawr jeer isku dayday inay iska dhiciso balse ma uusan joojin sheekadiisa.

Gabadhaan ayaa markii dambe lasoo baxday kabteeda iyadoo dhawr jeer madaxa kaga garaacday, mana aysan ka joojin ilaa uu miir daboolmo sida ay qortay Metro.

Ninkaan ayaa loo qaaday Isbitaal isagoo ku jiray xaalad adag  ugu dambeyntiina wuxuu dhintay laba asbuuc kadib .

Xeer Ilaaliyaha maxkamadda ayaa sheegay in gabadhaan ay sameysay dil isla markaasna ay lagama maarmaan tahay in lasoo baaro waxyaabaha ay u adeegsatay ninkaan ee keenay dhimashadiisa.

Saraakiisha ayaan welin magac dhabin gabadha dilka geysatay iyo ninka wax kufsaday ee dhintay.

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyey xeer ilaalinta ayaa baarayaa meydka ninkaan ka hor inta aanan maxkamadda la hor keenin gabadhaan falka dilka ah geysatay.
Ugu dambeyntii booliska ayaa saxaafadda u diiday inay ka qaadaan wax sawir ah iyo isla markaasna loo sheego labadaan shaqsi magacyadooda.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment