Bulsha:- Mararka qaar jillaayasha Bollywood ayey saameeyaan taasna ma ahan mid la beenin karo. Tusaale ahaan jillayaasha caanka ah ee Bollywood ayaa mararka qaar waxay soo xirtaan lebis aad u fool xun.
Shabakadda Filimside.net ayaana markale idiin soo gudbin doonta barnaamijkii gaarka ahaa ee ay ka sameyn jirtay. Waxaana soo qaadan doonaa shantii jillaa ee Isbuucaan lagu qabtay lebiska ugu foosha xun, muhiimadduna waa inay ka xamaashaan Bollywood.
Liiskaan waxaa Isbuucaan ugu sarreeya jillaaga la jecel yahay Ranveer Singh. Waa jillaa caan ku ah faashiyoonka, waxaana inta badan uu lebiskiisu yahay mid suuq leh… Laakiin Isbuucaan ma aheyn Isbuuciisa.
Kaalinta labaad waxaa kasoo muuqatay atariishada lagu magacaabo Parineeti Chopra. Inkastoo uu lebiskeedu yahay mid qurux ahaan soo jiidasho leh, hadana marka la isku fiirsho iskuma habboona lebiska ay isku soo xiratay 28 sanno jirtaan.

Kaalinta seddaxaad ee liiskaan waxaa soo gashay Shriya Saran, atariishadaani waxay ka mid tahay modelka Bollywood. Laakiin lebiskii madowga ahaa ee 34 sanno jirtaan lagu arkay Isbuucaan ma aheyn mid ay naqshad ahaan kusoo baxayso.
Shraddha Kapoor, waxay si weyn ugu mashquulsan tahay xayeysiinta filimkeeda soo baxaya ee OK Jaanu. Malaha sababtaas darteed 29 sanno jirtaani waxay ilowday in aysan kusoo baxayn lebiska caddaanka ah ee ay soo xiratay Isbuucaan.

22 sanno jirtaan Urvashi Rautela ayaa ugu dambeysa liiskaan. Khubarada qiimeysa dhanka naqshadaha dharka ee Bollywood ayaan daaha ka qaaday in lebiskii garoonka diyaaradaha lagula arkay gabadhaani uusan aheyn mid ay ku nuureyso, gaar ahaan boorsada qaabka ay gacanta ugu qaadatay ma aheyn mid ilqabad leh.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment