Wiilal iyo Gabar Sawir Selfie wada galay oo Maxkamad muteysanaya.

Bulsha:- Arrintani, waxay noqotey arrin si aad ah loola yaabey, inkastoo dadka qaarkiis ay aad u soo dhoweeyeen.

Mustafa waa 27 sano jir u dhashay Turkiga sidoo kale Selim isna waa muwaadin Turkish ah oo da’ ahaan lagu qiyaasay in uu jiro 38 ayaa lagu soo eedeeyay in kufsi u geeysteen gabadh dhalinyaro ah oo ay isku magaalo ahaayeen.

Abukatayasha u doodaya gabadha ayaa maxkamada hor keenay sawir Hor uqaad ama waxa loo yaqaano Selfie ga oo uu qaaday eedeeysane Mustafa islamarkaana ay kasoo muuqanayso Gabadha la kufsaday.

Haweenayda la kufsaday ayaa ku eedeeysay in labada qof ee kufsatay ay ahaayeen Cabtooy Daroogo ku cabayay xaafada Osmangazi oo hoos tagta Gobolka Bursa ee dalka Turkiga.

Maalin kadib shilkan Haweenayda ayaa la hadashay Police ka waxaana ay sheegtay in ay taqaano dadka kufsaday sanado badan sidaa darteeda ay ku inkireen kufsigan ay u geeysteen, balse waxay cadeysay in aysan habeen lasoo saxiixan.


“Mustafa ayaa qabtay gacmaheyga, halka Selim uu I xoogay, wixii intaas ka dambeyay labadooda ayaa si wadda jir ah ii kufsaday, waan qeyliyay, kadib Selim ayaa I keenay gurigeyga,” ayeey ka hor cadeeysay Maxkamada haweeneydaan aan magaceeda loo adeegsan saxaafada.
Labadan nin ayaa lasoo qabtay islamarkaana su’aalo laga weydiiyay dambigan ay kusoo eedeeysay hawenaydan, balse waxaa wax waliba ka dhigay cadeeymo buuxda sawirkii Selfie ga ay la galeen gabadha ka hor inta aanu shilka dhicin.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment