Atariishda Alia Bhatt maxay kaga dayatey Priyanka Chopra,

Bulsha:- Alia Bhatt ayaa daaha ka qaaday inay ku dayato atariishada guulaha ka gaartay Bollywood ee dhowaan u dallacday Hollywood Priyanka Chopra marka la eego dhanka xirfadda ganacsiga.

23 sanno jirtaan Alia ayaa saxaafadda u sheegtay: “Priyanka waddo dheer ayey usoo martay guusha, waxayna qabatay shaqo cajiib ah.

“Waa ganacsato, iyada ayaana nagu ku dayanaa ka haween ahaan. Waxaan jeclaan lahaa inaan sameeyo shaqo ganacsi oo ballaaran laakiin haatan waxaan doonayaa inaan is buuxda diiradda u saaro dhanka jilliinka”.

Alia Bhatt ayaa waxaa la weydiiyey haddii ay dooneyso inay sameysato shirkado maalgeliya aflaanta sida Priyanka Chopra oo kale, waxayna daaha ka qaaday inay dooneyso inay marto wadadaas oo kale.
“Waxaan doonayaa inaan ku lug yeesho shaneemooyinka, xitaa aan sameeyo shirkad maalgelisa aflaanta oo Shiineys ah, waxaan doonayaa inaan qabto shaqadaas oo kale. Laakiin waqti xaadirkaan waxaan isha ku hayaa inaan kusii jiro dhanka jilliinka”.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment