Kareena Kapoor oo Uur leh oo Wargeys caan ah ka soo muuqatey.

Bulsha:- Kareena Kapoor Khan oo xaamilo ah ayaa Cover looga dhigay sawirkeeda wargeyska caanka ah ‘Grazia’ magazine waxayna Bebo muujisay markale in uurkeeda uusan ahayn mid la qarinaayo.

Kareena Kapoor bisha December 20-keeda ayaa la qorsheenayaa inay hooyo noqoto waxaana haatan lagu suuq geeyay wajiga hore ee wargeyska ‘Grazia’ magazine oo isagana ah midkii bisha December dadka loogu tala galay.

Kareena Kapoor tan iyo markii la ogaaday inay uur leedahay ma aysan joojin hawlaheeda kala duwan ayadoo ka qayb qaatay bandhiyo Fashion oo kala duwan iyo hawlo kale.

Kareena wax filim ah haatan ma saxiixanin filimkeedii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Ki & Ka oo ay sanadkaan Arjun Kapoor la sameeyay sidoo kalena guul wacan gaaray.

Kareena Kapoor Khan marka ay umusho kadib oo ay soo nasato waxay bilaabi doontaa duubista filimka Venere Di Wedding oo ay isla jilayaan Sonam Kapoor.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment