Bulsha:- Ortansa Pascariu oo duq kasoo jeedo dalka Romania waxay ku faantaa inay heystaa dhar aan caadi aheyn oo ay dadka dhan uga duwan tahay maadaama ay 20 sano aruurineysay timaheeda ilaa ay ka gaareen heer aad u badan oo ku fakartay inay ka sameyso jaakada qabawga looga xirto.
Islaantaan oo 65 jir ayaa bilawday inay timaha ka go,o ay aruuro iyadoo raaceyso caado dhaqameed ka jirto magaalada ay ku dhalatay ee Tauceni oo woqooyi bari kaga taal Romania.
Dhaqankaan ayaa sheegaya in gabadha rabto inay quruxleeda ilaaleyso ay lagama maarmaan tahay inay meel fiican ku xafido timaha ka go,o.
Islaantana ayaa bilawday inay timaheeda keydiso markii ay jirtay 40 sano, markii ay gaartay da,da 60 waxaa u suurtagashay inay u aruuro ilaa hal Kilogram taasina waxay kaga filnaantay inay jaakadaan ka sameyso.
Ortansa ayaa shaacay ka qaaday inay aruurin jirtay timaha ka daato marka ay shanleesaneyso waxay caan ku aheyd timo dhaadheer, waana midda keentay inay u aruurto timo badan, waxayna ku qaadatay hal asbuuc inay jaakadaan ku sameyso.

Markii ay isticmaashay jaakadaan muddo 5 sano waxay go,aansatay inay dhigto matxaf ku yaal dalka Romania halkaas oo hadda ka heli karo qofkii rabo inuu arko.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment