Bulsha:- Ranveer Singh wuxuu soo jiidanayaa shaqsi kasta wuxuuna bannaanka soo dhigayaa inuu u qalmo guul kasta oo uu ku tallaabsado sababtoo ah dadaalkiisa ayaa badan.
Ranveer Singh ma ahan atoore keliya taageero ku leh daafaha caalamka ee sidoo kale wuxuu taageereyaal u gaar ah ku dhex leeyahay shirkadda aflaanta dalka India ee Bollywood.
Hore ayaa jillayaal waa weyn oo Bollywood ah ammaan ugu qubeeyeen Ranveer iyo guulaha uu ka gaaray Bollywood, haatan atariishada Sunny Leone ayaa kusoo biirtay liiska shaqsiyaadka la dhacay tayadiisa.
35 sanno jirtaan ayaa waxay dhowaan sameysatay barnaamijka Escapex App oo ah mid lagu shubto taleefoonnada gacanta si ay uga caawiso taageereyaasheeda inay si toos ah ula kulmaan iyada. Sidoo kale wuxuu barnaamijkaani ka caawinayaa taageereyaasha Sunny Leone inay ku iibsadaan lebiska ay xayeysiiso.
Leone ayaa wax laga weydiiyey atooraha ama atariishada Bollywood ee ay u maleyneyso inay u baahan tahay barnaamijkaan oo kale, Sunny waxay ku jawaabtay: “Waxaan u maleynayaa inuu ku fiicnaan lahaa Sonam Kapoor sababtoo ah waxay u safartaa dalal kala duwan. Anigu waxaan si gaar ah ula socdaa akoonada ay baraha bulshada ku leeyihiin dhammaan atooreyaasha Bollywood”.
Iyadoo ka hadleysay dhanka atooreyaasha waxay hadalkeeda ku dartay: ” Ranveer Singh ayaa isna u baahan barnaamijkaan oo kale sababtoo ah aad ayuu u xiiso leeyahay, waa shaqsi sameeya waxyaabo aad iska dhaadhicineyso inuu waalan yahay oo kale. Waa shaqsi madadaalo u saaxiib ah.
“Ranveer Singh sidoo kale wuxuu ka mid yahay shaqsiyaadka ku fiican dunida fashion-ka ee ka shaqeeya Bollywood, wuxuu xirtaa lebis soo jiidasho leh. Lebiskiisa ayaaba mararka qaar ah wax lagu madadaalo”.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment