Bulsha:- Nin Mindi ku hubeesnaa ayaa shalay magaalada Kristiansand ee Koonfurta dalka Norway waxa uu ku dilay wiil 14-sano jir Soomaali ah iyo Haweeney macalimad ah oo u dhalatay dalkaasi.
Dilka ayaa ka dhacay meel ku dhaw iskuulka uu dhiganayay Wiilka Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Yacquub Cabdullaahi Xasan , waxaana Ninka Mindida watay uu halkaasi ku dilay Wiilka Soomaaliga ah iyo Haweeney Macalimad ah oo dooneysay in ay caawiso wiilka la dilayaya.
Booliiska magaalada Dilka uu ka dhacay ee Kristiansand ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan ninkii ka dambeeyay dilka Wiilka Asalkiisu Soomaaliga yahay iyo Macalimada u dhalatay dalka Norwey .
Yacquub Cabdullahii Xasan oo 14-sano jir ahaa ayaa dhiganayay fasalka 9-aad iskool lagu magacabao Fiskå, waxaana wiilkan oo ku dhashay dalka Norwey la noolyaa Hooyadiis oo dalkaasi gashay sanadii 1997-dii.
Wali si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa dilka loo geestay Wiilkan Soomaaliga iyo Hwaeeneyda u dhalatay dalka Norwey, Waxaana la sheegay in wiilka iyo Haweeneyda la dilay in aysan jirin wax aqoon ah oo u dhaxeysay ayna dooneysay in ay ka bad baadiso ninka dilayay.
Dilkan ayaa imaanaya xili labo habeen kahor dalka Sweden iyana lagu dilay labo wiil oo Soomaali ah oo wada dhashay, waxaana Soomaalida kunool wadamada qurbaha ay sidoo kale la kulmaan dilal iyo dhibataooyin kale.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment