Waxaad Burburineysaa Saaxiibnimada Ka Dhexeysa Salman Iyo Akshay: Jamahiirta Salman Khan Oo Weerar Ku Qaaday Twinkle Khanna, Balse Yaa Qosolka Ku Dambeeyey?

Bulsha:- Cid kasta ayaa u garaneysa Twinkle Khanna inay tahay xaaska jillaaga weyn ee Bollywood Akshay Kumar, waana atariisho iska dhaaftay shaqada jilliinka guurkeeda ka dib. Si kastaba ha ahaatee, sannadihii ugu dambeeyey waxay noqotay shaqsi qoraa si weyn looga jecel yahay dalkeeda India.

42 sanno jirtaan Twinkle Khanna ayaa waxay maqaal Isbuucle ah ku qortaa wargeysyada dalkeeda, sidoo kale saameyn badan ayey ku leedahay baraha bulshada. Maqaalkeedii ugu dambeeyey waxay weerar dadban kula qaaday Salman Khan, oo ka mid ah jillaayasha weli doobka ah ee Bollywood inkastoo uu 51 sanno jir yahay.

Gabadha qortay buugga aadka loo akhristay ee Mrs Funnybones ayaana sidii la filayey waxaa weerar kusoo qaaday taageereyaasha Salman Khan oo adeegsanaya mareegaha Twitter maadaama ay taabatay boogta ugu weyn ee ah sababta uu illaa haatan u guursan waayey inkastoo uu yahay shaqsi caan ah, maalna heysta.

Xaaska Akshay Kumar ayaa waxay adeegsatay farriin xeeladeysan iyadoo aan marnaba magac dhabin Salman Khan laakiin waxay tilmaantay calaamooyin badan oo lagu garanayo doobta ugu weyn Bollywood wiilka lagu magacaabo Superstar Salman Khan

Laakiin dagaalkii ka dhacay Twiiter ee dhexmaray taageereyaasha Salman Khan iyo Twinkle marnaba ma uusan aheyn mid looga adkaaday, jamaahiirta Sallu ayaana ugu dambeyn la aamusiyey.

Dagaalkaani dagaalkaan qoraalka la adeegsanayey wuxuu socday muddo saacado ah Axadii, markii hore Twinkle waxay kusoo qortay akoonkeeda Twitter: “Waxaan qoraa maqaallo salka ku haya arrimo bulshada anfacaya, ama kuwo siyaasadeed laakiin markasta weerar toos ah shaqsina kuma qaado sababtoo ah waxaan ka baqayaa in la igula maadeysto Twitter”.

Taageereyaasha Dabangg Khan ayaana halkaas weerarkooda kasoo bilaabay. Radhey Thakur oo ah taageere Salman Khan ah ayaa usoo qoray: “Waxaad tahay boqorad faloob ah”.

H Hazra ayaa wuxuu si xun u duray Twinkle: “Labadaan arrimood middee ayaa xun ii sheeg Mrs Funnybones? Inaad doob noqoto sida Salman Khan oo kale ama inaad khiyaanto saaxiibaddaada ugu wanaagsan Shilpa Shetty oo aad guursatay wiilkii ay saaxiibka ahaayeen Akshay Kumar”.

Shaqsi akoonkiisa Twitter ay ugu qoran tahay Toltol ayaa isna yiri: “Mrs Funnybones waxaad tahay atariisho faloob ah, waxaad joogtaa guriga isla markaana waxaad tahay xaaska ninka keliya ee Bollywood aflaanta la keena atariishooyinka dhallinyarada ah waliba xambaaraya. Xaqiiqdii waxaan ka xumahay xirfaddaada”.
Rajdeep oo ah taageere Salman Khan ah ayaa isna kusoo qoray akoonkiisa: “Waxaad isku sheegtay Funnybones, laakiin wax asxaab ah kuma lihid Bollywood Industry, haatan waxaad usoo jeesatay inaad burburiso saaxiibnimada ka dhexeysa Salman Khan iyo ninkaaga”.

Shehzada Majeed ayaa isna usoo qoray farriin carro ka muuqato: “Mrs Funnybones maanta laga bilaabo waan ka baxayaa macaamiishaada Twitter, waxaan kuu haystay inaad tahay haweeneey wanaagsan, laakiin waxaan ogaaday inaad tahay nacas, sidee ayaad wax uga sheegi kartaa Sallu”.

Laakiin qosolka ugu dambeeya waxaa laheyd Twinkle Khanna maadaama dagaalkaas saacadaha socday ka dib ay usoo hambalyeysay taageereyaasha Salman Khan: “Dhammaan taageereyaasha Bhai waxaan leeyahay Ciid Wanaagsan (Ciidda Masiixiga) #TrollProof”.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment