Bulsha:- Atooraha saameynta ku leh Bollywood Varun Dhawan wuxuu markasta saxaafadda dalkiisa India ka qarin jiray wax walba oo ku saabsan xiriirka jaceyl ee kala dhexeeyo gabadha lagu magacaabo Natasha Dalal.
Varun Dhawan ayaa dhowr jeer saxaafadda u diiday inuu kaga jawaabo su’aalo ku saabsan xiriirka kala dhexeeya Natasha Dalal. Sidoo kale markasta wuxuu ka gamban jiray in labadooda lagu arko goobaha fagaaraha ah.
29 sanno jirkaan ayaase ugu dambeyn waxaa qabsaday wixii uu ka cararayey sababtoo ah saxaafadda ayaa sawirro ka qaaday isagoo gaarigiisa ku wada gabadha lagu xanto Natasha Dalal.
Natasha Dalal iyo saaxiibkeed Varun Dhawan ayaa waxay ka qeybgalayeen xafladdii sannad guurada dhalasha 60aad ee madaalaha Bollywood Anil Kapoor. Waxaana xusid mudan in jillaayaal adan oo dhallinyaro ah ay kasoo qeyb galeen xafladdaan.

Natasha iyo Varun tan iyo yaraantoodii ayuu xiriir jaceyl ka dhexeeyey, muddo dheer ayeyna haasaawayaan. Balse ma ahan kuwo isjecel oo keliya ee sidoo kale waa saaxiibo isku dhaarta. Wax qurxoon ayeyna aheyd in la arko labadooda oo hal goob wadajooga.
Xafladdaani waxay ka dhacday caasimadda London ee dalka Britain, halkaasoo uu halyeeyga Bollywood illaa haatan ugu dabaaldegayo sannad guuradiisa 60aad.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment