Bulsha:- Haweeneey uur leh oo kasoo jeeda gobolka Florida ee dalweynaha Mareykanka, ayaa waxay qaaday tallaabo adduunka oo dhan uu la yaabay ka dib markii ay lacag ganacsi ahaan ah ka sameysay kaadideeda.
Tani waa arrin aad u fool xun laakiin si dhab ah ayey u dhacday gabadhaan u dhalatay Mareykanka ayaana ka ganacsatay kaadideeda, sida lagu xaqiijiyey warbaahinta USA.
Gabadhaan oo saxaafadda u diiday inay magaceeda la wadaagto ayaa waxay dhowaan shabakadda Craigslist ee lagu iibiyo agabyada xaraashka ah ee dalka Mareykanka soo dhigtay bayaan ay ku sheegeyso inay diyaar u tahay inay iibiso kaadi ay u geysay dhakhtarka ka dibna loogu soo xaqiijiyey inay leedahay uur seddax bilood ah.
Waxaa la yaab laheyd inay durba u heshay shaqsiyaad diyaar u ah inay ka iibsadaan. Qiimaha ay gabadhaani ku dooneysay kaadideeda lagu ogaaday inay leedahay uurka seddaxda bilood ah ayaa lagu sheegay 25 dollars illaa 35 dollars.
Si kastaba ha ahaatee, gabadhaani waxay keliya diyaar u tahay inay kaadidaan ka iibiso shaqsi ka yimid meel 100 Kilometer u jirta halka ay degan tahay… Ugu yaraan waxay dooneysaa in aysan shaqsigaas isku magaalo noqon oo uusan muuqeeda garan.
Si kastaba ha ahaatee, markii dambe maqaalkaan waa laga saaray shabakadda Craigslist, maadaama waxa la iibinayo aysan aheyn wax u qalmay inay dadku iibsadaan.
Joornaaliiste ka socda hillinka WJAX ayaana ka mid ahaa dadkii markii horeba arkay maqaalkaan, wuxuuna si macaamiil ahaan ah u booqday gabadhaan, markii uu u tegayna waxay u ogolaatay inay wareysi siiso. Laakiin waa keliya haddii uusan magaceeda adduunka la wadaageyn ka dibna waxay u sheegtay:
“Waxaan ahay gabar arday ah oo koolej dhigata. Waxaana u baahanahay lacag si aan u iibsado lebiska koolejka iyo wax walba oo la iiga baahan yahay, aniga ahaan go’aankaani wuxuu ahaa mid sahlan. Sababtuna waxay tahay waxaan awoodi waayey inaan maalin kasta helo 200 dollars oo faa’iido ah”.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment