Neerja, Dear Zindagi, Sultan – Filimkee Ayaa Ugu Fiicnaa Bollywood Sannadkaan Dhammaadka Ah 2016?

Bulsha:- Waxaa la gaaray dhammaadkii sannadkaan 2016ka, Bollywood sannadkaani wuxuu u ahaa sannad ay sameeyeen aflaan badan. Laakiin dhammaantood ma aysan guuleysan, sidoo kale dhammaantood ma noqon aflaan ay si weyn ugu qanceen daawadeyaashu.

Shabakadda Filimside ayaa go’aansatay inay akhristeyaasheeda usoo bandhigto 10 filim oo ganacsi ahaan iyo farriin ahaanba guuleystay kuwaasoo ay sameeyeen Bollywood sannadkaan 2016.

Ujeedkeenu wuxuu yahay inaan soo saarno filimkii ugu fiicnaa ee ay Bollywood sameeyeen sannadkaan dhammaadka ah, waxayna ku xirnaan doontaa codbixintaan iyo filimka hela codadka ugu badan anigoo ku dhawaaqi doona muddo muddo 24 saac ah gudahood.Liiska aflaantaan waxaa hogaaminaya filimkii Salman Khan ee Sultan kaasoo ganacsi ahaan guulo lixaad leh gaaray, halka filimka Aamir Khan ee Dangal uu ganacsi waalli ah haatan sameynayo isla markaana ay u muuqato inuu Suldan kula tartami karo filimkii ugu fiicnaa ee ay Bollywood sameeyeen sannadkaan dhammaadka ah 2016.

Si kastaba ha ahaatee, liiskaan waxaa sidoo kale kasoo muuqday aflaanta Udta Punjab iyo Dear Zindagi kuwaasoo guulo ku tallaabsaday sidoo kale Ki & Ka, kuna darso liiska filimkii la ammaanay farriintiisa ee Akshay Kumar uu hogaamiya ka ahaa Airlift oo soo baxay isna sannadkaan dhammaadka ah.

Hadaba filimkee ayaa ugu wanaagsanaa 10kaan filim ee ay Bollywood sameeyeen sannadkaan dhammaadka ah 2016? Codbixinta ka qeyb qaado sidoo kale afkaartiina hoos inoogu reeba. Mahadsanidiin akhrsiteyaal.
Natiijadana 24 saac gudahood ayaan ku dhawaaqi doonaa. Shabakadda Filimside ayaadna ka akhrisan doontaa Insha Allah.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment