Dangal Oo Isniin Iy Jimco Uma Kala Saarno Markale Subaxaan Hindiya Wuu Gil Gilayaa!!

Bulsha:- Waxaa la xaqiijiyay in filimka Dangal ee Aamir Khan hogaamiyaha ka yahay inu si aad u wanaagsan subaxdaan xiliga Hindiga ka furmay.

Waxaa la xaqiijiyay in Dangal maalintiisa 4-aad uu gudaha Hindiya kaga furmay 50% ayadoo ay tahay maalin shaqo sidoo kalena filimkaan si taariikhi ah u gadmay maalintiisii sedexaad.

Waxaa la xaqiijiyay in Dangal ganacsi ahaan sida uu ku furmay ka agdhow yahay maalintiisii kowaad madaama Jimcadii uu filimkaan ku furmay 55%.

Dangal tijaabada maalinta Isniinta ah wuu ka gadmay waxaana muuqato in filimkaan shacab weynaha si waali ah jaceyl ugu qaadeen haatana cid hor istaagi karto malahan mustaqbalka dheer iskoorada uu dhigi doono.

Waxaa la filaa in maanta gelinkii dambe qoysaska Dangal daawashadiisa soo aadaan madaama iskuulada fasax yihiin sidaa darteed Dangal qiyaas ahaan maalintisiii kowaad lacagaha uu keenay ayuu ka ag dhawaan doonaa ganacsiga uu sameyn doono maalintiisa 4-aad!

Qiyaas ahaan sida muuqato Dangal maalintiisa 4-aad lacago 20 Crore ka badan ayuu keeni doonaa inkastoo fasax uusan jirin weliba waxaa macquul ah inuu noqdo filimka maalin Isniin ah lacagaha ugu badan taariikh ahaan soo xareeyay.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment