Bulsha:- In kabadan rubac milyuun qofood oo ku nool dalka England ayaa ah kuwa aan heysan guryo ay ku noolaadan iyo sidoo kale dhar joogta ah oo ay xirtaan, taas oo la micna ah in yihiin darbi jiif la amaanay.
Goob waliba oo ganacsi wayn ah ugu yaraan 25 qofood ayaa seexda habeenkii marka ay dadka kala hoydaan, waxaana si fudud aad u dhihi kartaa darbi jiif kumeel gaar ah, madaama ay marka la gaaro xilliga shaqada ay ka tagaan booska ay xalay seexdeen.
In kabadan 19 goobood oo ay jiiftaan dadka darbi jiifka ayaa ku yaala magaalada London mid kasta oo kamid ah waxaa seexda isku cel celis ahaan 51 qofood,, taas oo la micna ah in magaaladan hodontinimada lagu xanto ay kamid tahay magaalooyinka ugu badan ee lagu arko dadka darbi jiifka.
Marka laga tago London magaalooyinka kale ee England iyana waxa jira in ay leeyihiin goobo badan oo ay seexdan dadka guri laawayaasha, magaalada Brighton waxay leedahay 20 goobood oo ay seexdan , min 69 goobood oo ay jiiftaan darbi jiifyada ayaa ku yaala magaalooyinka waa wayn ee Birmingham, Bristol, Coventry iyo Manchester.
Magaalada Yorkshire ayaa ah tan ugu yar ee ay ku nool yihiin darbi jiifyada England maadaama lagu qiyaasay in ay gaarayaan 1,466 qofood, taas oo la micna ah in ay yihiin kuwa ku badan meel waliba oo England kamid ah.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment