Bulsha:- Daafaca Manchester City John Stones ayaa saacado ay ku qaadatay in garabkiisa lagu shabadeeyo wajiga gabadha ay saaxiibada yihiin ee Millie Savage si uu u raaligeliyo ka dib markii ay soo baxday inuu qiyaameeyay.
Daafaca dhexe ee England ayaa garabkiisa ku shabadeeyay wajiga Millie iyadoo saacad lagu dulsawiray afkeeda.
22 jirkaan oo City kaga soo biiray Everton heshiis 50 milyan ginni ah bishii Agoosto ayaa xiriir dhow la lahaa Millie tan iyo markii uu 12 sanno jir ahaa.
Sida ay qortay The Sun, daafacaan ayaa xiriir la yeeshay gabar kale oo Jessica la yiraahdo oo uu kula kulmay maqaaxi isagoo u sheegay inuusan wax saaxiib ah laheyn.
Laakiin Jessica ayaa xiriirkiisa ku kashiftay Instagram ka dib markii ay ogaatay inuu saaxiib la yahay Millie Savage, iyadoo soo qortay: “Xumaan ayaan u dareemayaa Millie, waa xaalad aad u xun, laakiin wax naxariis ah uma dareemayo haddii ay doorato inay la sii joogto.”
Stones ayaana rajeynaya in talaabadii ugu danbeysay ee uu qaaday inay badbaadiso xiriirkiisa.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment