Deepika Or Katrina Kaif: Atariishada Shah Rukh Khan La Sameeyndoonta Filimka Hollywood-ka Ee Anand L Rai Oo La Ogaaday

Bulsha:- Wararka xanta maalmahaan leeys la dhexmarayey waxaa ay ahaayeen filimka xiga ee uu soo wado Director-ka lagu magaacbo Anand L Rai atariishada filimkaan Shah Rukh Khan la jelidoonta ama kala soo muuqandoonta.

Waxaa markii hore isku heeysteen Deepika iyo Katrina Kaif midood qofta ku haboon in Shah Rukh Khan ay kala soo muuqato shaashada ,waxaase ugu dambeeyn lagaaray go’aan cad.

Deepika Padukone ayaa filimka kala soo muuqandoonta Shah Rukh Khan ,waxaana sidaa lagaga adkaaday Kartina Kaif oo kamid ahaa musharixiinta filimkaan.

Ilaa iyo filimkaan wax magac ah looma sameeyn , laakiin waxaa lagu kalsoonyahay inuu yahay filim soo bixidoono oo ay ka wada shaqeeyndoonaan Shah Rukh Kha iyo Dircetor-ka weeyn ee  Anand L Rai.

Wararka waxaa ay sheegayaan in Director-kaan shaqsiyadiisa uu doortay Deepika Padukone ,waxaana uu ku amaanay doorka ay ku lahayd filimkii dhawaan akataradaan soo gaba gabeeysey ee  Padmavati iyo sidoo kale heerka hada ay ka joogto Bollywood-ka.

Filimkaan sidoo kale sababta loo doortay Deepika Padukona waxaa ay tahay inuu yahay filim Hollywood-ka ayna aktarada wax badan ka heeysto Hollywood-ka oo dhawaan ku biirtay.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment