Sheekada xurguftii dhex martey Kareenaa Kapoor Iyo Bipasha Basu

Bulsha:- Dagaalkan ayaa ku bilaawday qaabka bisada iyo jiirka isku dagaalaan kadibna wuxuu sababay in mudo 7-sano ah aysan labadan atirisho wax xariir iyo wanaag dhex marin.

Hadaba Maxaa Sababay In La Isku Dhaco:

Xurguftii Kareena iyo Bipasha dhex martay waxay ka bilaabay xili ay wada duubayeen filimkii Ajnabee ee labada walaalo Director ka ahaayeen bbas-Mustan.

Filimka Ajnabee oo ay wada Akshay Kumar, Bobby Deol, Kareena iyo Bipasha Basu wuxuu ahaa mashruuc weyn oo lagu duubay dalalka Switzerland iyo Mauritius.

Bipasha filimkeedii ugu horeey ayu ahaa Ajnabee waxayna loolan la gashay Kareena Kapoor si ay kaga qaab jiliin iyo labis wanaagsanaato.

Xurgufta waxay ka bilaabatay kadib markii Bipasha ay wax ka sheegtay labis ay Kareena soo xiratay xili duubista Ajnabee socotay waxayna Bipasha ka dhawaajisay ayadoo goobta la joogo inay iyada shidan tahay balse Bebo ay qof iska caadi ah tahay!

Kareena oo ah qof aan hadalka la ganbanin ayaa aflagaado u geesatay Bipasha Basu waxayna Kareena marka hore goobta ka sheegtay in Bipasha labiska ay xiran tahay uu soo naqshadeedyay Manish Malhitra oo ah naqshadeeyaha gaarka ee Kareena la shaqeeyo.

Weliba labiska loo sameeyay amar la’aanteeda taasi oo xad gudub ah madaama aysan Kareena fasax ka qaadanin.

Balse waxaas oo dhan waxaaba ka daran markii ay Kareena tiri ‘kali billi’ (black cat) micnaha waa erey cunsurinimo ku dheehan oo Bipasha midibkeeda madowga u dhow Kareena wax kaga sheegtay!

Kadib Maxaa Xigay Dagaalkii Duubistii Ajnabee Ka Dhacay!

Labadan xidig mardambe ma aysan wada hadlin waxaana la dhameestiran duubista filimkii Ajnabee Kareena iyo Bipasha oo aan hadal isku darsanin.

Bishii November sanadii 2001 Bipasha oo la hadleesay wargeska Bollywood magazine waxay tiri “Aniga qof is fahan daro nama dhex taalo sidoo kalena qof aan dhibaato u geestay ma jiro”

“Lakiin hadii uu qof jecleestay inuusan ila hadlin dabcan darbiyada lama hadlaayo oo waxaan raadsanaa dadka isoo dhaweenayo!”

“Sidoo kale ma doonayo inaan mar kale la shaqeeyo qof murankiisa iyo is qab qabsigiisa badan yahay!!!”

Waxaaba kasii darneed markii Kareena ay barnaamijka Koffe With Karan hada ka hor ka tiri “Marnaba lama shaqeyn doono John Abraham (Bipasha saaxiibkeed) waayo ma laheyn wajigiisa soo jiidasho iyo isbadal jiliin!”

Bipasha ayaa isla barnaamijka Koffee With Karan arinkan kaga jawaab celisay waxayna tiri “Kareena Kapoor wajiyo badan oo ay dadka kusoo jiidato ayay leedahay!!”
Hadalka Bipasha wuxuu ahaa weerar dad ban oo ay Kareena ku qaaday kana waday inay tahay qof dhac dhac badan oo saaxiibo badan Bollywood-ka ku yeelatay!

Kareena iyo Bipasha mudo ayay kala aamusnaayeen sidoo kalena waxba iskuma darsanin balse labadan lamaane markale ayay saaxafad hadal heynta kusoo laabteen kadib markii la sheegay in Bipasha ay xiriir qarsoodi ah la sameesay Saif Ali Khan xiligii ay wada duubeen filimkii Race sanadii 2008.

Balse Saif oo diidanaa in Kareena ay isku dhacaan ayaa si dhaqsi ah u hadlay wuxuuna xidigan ka dhawaajiyay inuu Kareena Kapoor jecel yahay sidoo kalena guursan doono dabcan hadal heyntii Bipasha meesha ayay ku hartay.

kareena-bipasha31

Maxaa Sababay Inay Kareena Iyo Bipasha Heshiiyaan:

Kareena jecel uma qabto Bipasha balse tixgalin ayay u heysaa madaama ay la shaqeyso seygeeda Saif Ali Khan.

Sidoo kale Kareena marar badan ayay isaga tagtay goob loogu yeeray markii ay ogaatay in Bipasha Basu ay ku sugan tahay.

Laakiin markii dambe Kareena iyo Bipasha waxaa hal goob isugu keenay Saif Ali Khan ayagoo ka wada qayb galeen barnaamijkee IIFA 2014 Awards.

Have Kareena Kapoor Khan and Bipasha Basu ended their cold war?

Sida sawirka ka muuqato waji ka waji ayay Kareena iyo Bipasha isku arkeen sidoo kalena hab ayay isi siiyeen ayagoo isku muujiyeen waji furan.

Sida muuqato haatan labadan atirisho loolankii iyo xurguftii ka dhaxeen jirtay si dabiici ah ayay usoo idlaatay madaama haatan waaya arag la noqday.

Laakiin inay mar labaad wada shaqeeyaan ayaa lagu qanci karaa laguna aamini karaa inay wax walbo iska iloobeen!!!!








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment