Bulsha:- Iskuulka VidyaGyan ayaa loogu tala galay inuu siiyo waxbarasho sare reeraha saboolka ee degan tuulooyinka
Iskuulkan ma noqon karaa kan ugu codsiga badan adduunka?
VidyaGyan Akademiyada Hogaaminta ( VidyaGyan Leadership Academy), oo ah skuul ardaydu seexato ee gobolka Uttar Pradesh ee Hindiya, ayaa siinaya waxbarasho heer sare ah arday laga keenay tuulooyinka saboolka ah.
Waxaa dhigan karta 200 oo arday sanad walba – laakiin waxaa aad u badatay waalidiinta oo doonaya in ilmahooda ay helaan nolol fiican, sidaas darteed waxaa yimaada 250,000 oo codsi.
Iskuulka oo ay aasaastay Shiv Nadar Foundation, ayaa ah iskuul lacag la’aan, wuxuuna bixiyaa waxbarasho la mid ah mida ay bixiyaan iskuulaadka ay dhigtaan dadka lacagta leh.
Roshni Nadar Malhotra, oo ah ganacsato oo ka mid ah guddiga Shiv Nadar Foundation, ee iskuulka aasaasay ayaa sheegtay in iskuulka loo sameeyay sida iskuulada lacagta ah ee ardayda u suurto galiya inay aadaan jaamacadaha ugu fiican iyo inay helaan shaqooyin fiican.

VidyaGyan
Roshni Nadar Malhotra ayaa doonaysa in iskuulka uu soo saaro dad cusub oo hogaaiya Hindiya
Laakiin iskuulka VidyaGyan ayaa u furan oo kaliya dadka aqliga badan iyo dadka aad saboolka u ah.
Qofna ma codsan karo iskuulka hadii aanan reerka daqligooda ka hoosayn £1,500 sanadkii, iskuulkana wuu baaraa si loo hubiyo in dadka lacagta leh aysan codsanayn iskuulka.
“Inta badan dadka ku nool tuulooyinka, waxaa jira dad badan oo dalka Hindiya oo aan la ogayn waxtarkooda. Ma haystaan jaamacado fiican” ayay sheegtay Ms Malhotra, oo madax ka ah shirkadda HCL ee teknoolajiyada.
Performer from Uttar Pradesh
Qof ka qayb qaadanaya bandhig faneed gobolka Uttar Pradesh oo is diyaarinaya
“Waxaan doonaynay inaan aragno inaan leenahay hab iskuul qoris oo ah mid aad u fiican.”
Habka iskuul qorista ayaa u shaqeeysa si aad u wayn.
Markii la helo codsi 250,000, Ms Malhotra ayaa sheegtay, ilaa 125,000 ayaa gala imtixaan qoraal ah.
Ardayda harta waxaa sabab u ah nolosha adag ee reerka ay ku jiraan, oo dhib kala kulmi kara inay u soo safraan meelaha imtixaanka lagu galayo ama ay joojiso cimilada oo xumaata.
Iyadoo la eegayo natiijadooda, waxaa isku soo hara 6,000 oo arday, oo hadana gala imtixaan kale. Waxaa sidoo kale jira booqasho lagu tagayo guryaha reerka soo codsaday iskuulka.
Habka lagu kala reebayo ardayda ayaa soo saarta 200 oo arday oo wiilal iyo gabdho ah, oo wax la barayo dhar, cunto iyo gurina uu iskuulku siinayo.
Ilmahan oo ka imaaday reero sabool ah oo ku nool tuulooyinka, oo si ogaan ah lagu isgu daray arday diimo iyo jinsiyo kala duwan, ayaa hela waxbarasho aad u fiican, oo u suurto galisa fikarado iyo fursado.
Waa hab degdeg ah, oo loogu talagalay sidii loo heli lahaa jaamacadaha ugu fiican ee Hindiya iyo dibadda.
Uttar Pradesh
Iskuulka ayaa loogu tala galay in lagu caawiyo ardayda aqliga badan ee saboolka ah ee ka yimid Uttar Pradesh
Waxay noqotay wax cusub oo waxaa jira iskuulo dadka ku tababara imtixaanada loo galayo iskuulka.
Ilaa hadda iskuulka waxaa ku baxday £59 milyan – Ms Malhotra ayaa sheegtay in ay jireen su’aalo in lacagta lagu qarash garayn karay dad badan oo la baro sida wax loo qoro.
Laakiin Ms Malhotra ayaa sheegtay ujeedada gaarka ah ee iskuulka inay tahay in la sameeyo Akadamiyo lagu barayo hogaaminta, oo xooga saaraysa dadka saboolka ah ee Hindiya inay la tartamaan kuwa fursdaha haysta.
Carruurtan waa carruur ay dhaleen reero sabool ah, beeraley aan tacliin lahayn waxayna rabtaa inay u diyaariso inay gaaraan meesha ugu saraysa siyaasada, ganacsiga iyo isboortiga.
VidyaGyan
Iskuulka ayaa loogu tala galay inay ardayda ku helaan jaamacadaha ugu horeeya
Waxayna sheegtay faa’iidada ay ka helayso tuulada ardaydan markii ay dhalinyaradooda ay aadaan jaamacadda ugu saraysa ee Hindiya ama Yurub ama Maraykanka.
“Markii ardayda ay helaan jaamacad fiican, waxay kor u qaadaysaa niyada tuulada. Ardaydan ayaa noqonaya rajo fiican.”
Waxaa sidoo kale jira in laga sugayo inay u soo celiyaan dadkooda wixii loo qabtay. Waqtiga kulaylaha, markii ay guryahooda aadaan, waa inay sameeyaan barnaamijyo waxtar u leh bulshada sida bixinta biyo nadiif ah, nadiifinta qashinka ama helista si amaan ah oo wax loo karsado.
“Waxaa looga dan leeyahay sidii ay shaqo u qaban lahaayeen oo ay u heli lahaayeen sida loo xaliyo dhibka” ayay sheegtay Ms Malhotra.
Ardaydii koowaad ee ka qalan jabisay ayaa reebay wax fiican, laakiin waxay doonaysaa in aradayda loo diyaariyo inay la tartamaan ardayda caalamka ee meel walba.
“Ma aha oo kaliya inaad iskuulka heshid, waxay u baahan yihiin inay badbaadaan markii la dhexgaliyo arday aad u tartamaysa oo adduunka oo dhan ka timid.”
Waxay qaadan doontaa waqti in la arko inay noqdaan hogaamiyayaasha mustaqbalka ee Hindiya, ayay sheegtay. “Laakiin way ku socdaan.”
Xigasho: BBCSOMALI
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment