Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle oo Isbitaal ku yaal Istanbul ku booqday Fa’iza Abdirashid

Bulsha:- Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku sugan dalka Turkiga ayaa maanta Isbitaal ku yaal magaalada Istanbul ku booqday Fa’iza Abdirashid oo ka tirsaneyd Ciidamada xoogga dalka, taasoo bishii 9aad ee sanadkan ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay duleedka garoonka Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.


Fa’iza Abdirashid ayaa muddo saddex bilood ku jirta Isbitaal ku yaalla magaalada Istanbul, kaddib markii wax looga qaban waayay gudaha dalka, waxaana ay ka jabtay dhabarka oo gebi ahaanba dareemihii uu ka tagay.

Dhaqaatiirta gacanta ku heysa xaalada Fa’iza ayaa sheegay in aan wax laga qaban karin xaaladeeda, iyagoo sheegay in hadii howlo caafimaad loo geeyo dalka Jarmalka xaaladeeda ay wax iska bedeli karto.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa sheegay inuu la qeybsanayo muragada, isla markaana ay tahay qadar Alle, isagoo xusay in ka maamul ahaan ay gacan weyn ka geysan doonaan xaaladeeda caafimaad sidii wax looga qaban lahaa.

Waxaa uu sheegay in marka uu ku laabto dalka uu Madaxda dowladda Federaalka iyo Mas’uuliyiinta kale ee Xukuumadda uu kala hadli doono xaaladeeda, isla markaana wax loo qabanayo.
Madaxweyne kuxigeenka ayaa Fa’iza gaarsiiyay deeq lacageed, isagoo ka balan qaaday deeq intaan ka badan Maamulka Hirshabeelle uu soo gaarsiin doono, waxaana uu Alle uga baryay in caafimaad taam ah iyo soo kabasho deg deg.
Ugu dambeyn Wariye Salmaan Jamaal Saciid oo ka war-haya xaalada Fa’iza ayaa u sheegay Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle, hadii Wasaaradda Caafimaadka ama Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay warqad ku aadan xaaladeeda caafimaad u soo qoraan Safaaradda Jarmalka ee Ankara ay heli doonto Viiso Caafimaad, si dalka Jarmalka loogu soo daweeyo.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment