Sheekooyinka Juxa: Dadka oo dhan ha iska qarin, Aniga uun ha ii muuqan.

Bulsha:-Sheekadani, waxay ka mid tahay, Sheekooyinka loo tiriyo Juxaa, waxayna ku bilaabaneysaa:

Hadda ka hor Juxaa ayaa loo doonay gabar ay meel wada daganaayeen, si loogu guuriyo(Aroosiyo), Inkastoo uusan isagu gabadha horay u arag, hadana waxaa loo sheegay inay qurux badan tahay oo ay qancin doonto, ayna noqon doonto midii uu mudaba raadinayay..

Habeenkii markii loo soo galbiyay oo loo keenay gurigii ayaa juxa wuxuu arkay in gabadhu ay fool-xumo ku goobatay. Subaxii markuu waagii baryay ayaa gabadhii waxay juxa ku tiri: “ juxoow, nimanka qaraabadaada ah ii kala sheeg, kuwa aan iska asturayo iyo kuwa kale”.

Juxa oo qoslaya ayaa ugu jawaabay “ Dadka oo dhan u muuqo (ha iska qarin), laakin aniga iska kay astur”.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment