Maxaad ka taqaan ninkii ugu horeeyay dunida ee Hambeergar

Bulsha:- Michael Dilligatti waa aas aasihii maqaayada caanka ah Big Mac oo caan ku ah cuntada fudud, isagoona ahaa ninkii dunida baray maqaayadiisa oo noqotay mid kamid ah kuwa ugu magaca dheer dunida aynu dulsaaranahay.
Balse Dilligatti ayaa dunida ka huleelay isaga oo jira 98 sano, hasayeeshee cid waliba oo wax ka cunta Big Mac ama Mc Donald ayaa soo xasuusanaya halyeeygan caanka ku ah cunada.

In kabadan 50 sano ayeey shaqeynaysa maqaayada Big Mac ama Mc Donald oo la aaminsan yahay in ay tahay mida ugu cimriga dheer hadana waqtiga ugu badan shaqeysa, maadaama ay shaqa bilawday sanadkii 1967-dii.

Geerida Michael Dilligatti waxaa xaqiijiyay haweeneyda Afhayeenka u ah maqaayada Mc Donald ee Kerry Ford taas oo sheegtay in uu geeriyooday halyeeyga cuntada iyo caawinta dadka sabool ka ah oo ay ugala jeedo aas aasaha maqaayada BIG MAC ama Mc Donald.

Ninkan ayaa loo tixgaliyaa in uu yahay shaqsiga dunida baray in la cuno Hamberger ka oo ahayd fikrad isaga kasoo maaxaatay sida ay aaminsan yihiin dadka ka faalooda sooyaalkiisa taariikheed ee uu leeyahay halyeeygan caanka ku ah dhanka cunada.
In kabadan 100 wadan oo dunida ayeey maqaayada caanka ah ee Mc Donald xarun ku leedahay taas oo ka dhigaysa in ay tahay mida ugu wayn ee kownka lagu arko balse maanta hanadkii hindisay ayaa ciida ka hoos maray taas oo ka dhigan in inkabadan 100 wadan iyo xarumahooda loogu baroor diiqi doono.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment