Garoobta Dunida ugu cimriga dheer

Bulsha:- Emma Morano waa 117 sano jir, waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay haweeneyda ugu cimriga dheer dunida, balse sidoo kale waa garoobta ugu cimriga dheer marka si kale loo yiraahdo maadaama aysan heysan lamaane oo ay kali joog tahay.

Emma ayaa ku sheegtay sirta rasmiga ah ee ka dambeysay cimri dheerideeda in ay tahay garoobnimada iyo in kali la ahaado, sidaa ay sheegtay in ay kala tageen saxiibkeeda oo ay ku tilmaamtay in uu ahaa qof aflagaado badan oo aan lala noolaan Karin.

Markii uu dunida ka huleelay wiilkeeda Lix sano jirka ahaa ayeey go’aansatay in ay iskaga tagto saxiibkeeda, taas oo keentay in ay mudo dheer nin la’aan ahayd.

“Inaan ku guursado ama aan ku dilo ayaa ah dooqyada aad heysato,” ayeey sheegtay in uu ku yiri saxiibkeedii ay kala tageen ka hor inta aysan is guursan.

“Sidaa darteeda waxan sameyay go’aan u wanaagsan jiritaankeyga, maxa yeelay waxay ka ahayd run, waan guursaday xilligaas waxay ku beegneyd 1930 waxaan ahaa 26 sano jir, wax waliba ayaa is badalay, taas ayaa keentay in ugu dambeyn aan is macsalaameeyn aana kala tagnay,” ayeey hadalkeeda kusoo gabagabeysay hadalkeeda Morane oo ah Garoobta ugu cimriga dheer aduunka.
Nov. 29, 2016 ayeey u ahayd dhalasho wacan iyadoona u dambaal dagaysay 117 sano guurada kasoo wareegatay markii ay dunida kusoo biirtay Emma oo la aaminsan yahay in ay kamid tahay dumarka ugu cimriga dheer dunidan aynu dulsaaranahay.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment