Sedexdii Atoore Iyo Sedexdii Atirisho Ee Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa Sanadii 2007

Bulsha:- Waxaan sii amba qaadi doonaa barnaamijkeenii taxanaha inoo ahaa kaasi aan kaga hadalno awooda xidigaha Bollywood-ka.

Waxaan mahad gaar ah hawada u marsiineynaa dhamaan aqristayaasheena kala duwan oo si wanaag ku dheehan marwalbo noogu dhiiri galiyaan barnaamij walbo ee aan bilaawno inaan horey usii wadno.

Hadaba waxaan sii wada doonaa inaan sii amba qaadno qarnigan cusub oo Bollywoodka isbadal weyn ku yimid madaama loolanka uu sii cuslaaday.

Maantana waxaan idiin heynaa sedexdii atoore iyo sedexdii atirisho ee Bollywood-ka ugu awooda badnaa sanadii 2007:

Dhanka Atoorayaasha Xiligaas ugu awoda badnaa sanadii 2007:

Shah Rukh Khan: Filimadiisii Om Shanti Om iyo Chak De India ayaa dhigeen iskooro taariikhi ah snaadkan.

Akshay Kumar: Inaba caadi ma ahan 4-Hit oo waa weyn ayuu sameeyay (Welcome, Bhool Bhulaya, Heyy Babyy & Namastey London)

Salman Khan: Filimkii Partner ayuu xidigan kusoo laba kacleeyay kaasi oo guul weyn gaaray

F.G: Shah Rukh Khan ayaa wacdarihii ugu weynaa dhigay madaama filimkiisii Om Shanti Om uu noqday Blockbuster sidoo kalena filimkii lacagaha ugu badnaa soo xareeyay ayuu noqday halka filimkiisii kale Chak De India uu isagana Super Hit noqday wuxuuna ku guuleestay atooraha sanadka.

Akshay Kumar ayaa dhigay iskoor taariikhi ah madaama uu sameeyay 4-Hit oo waa weyn (Welcome, Bhool Bhulaya, Heyy Babyy & Namastey London) weliba filimkiisii Welcome Super Hit ayuu noqday wuxuuna Akki noqday Super Star laga daba dhacay!
Salman Khan ayaa sanadkan soo rogaal celiyay wuxuuna la yimid filimkii xiisaha badnaa Partner kaasi oo Super Hit noqday sidoo kalena uu awoodiisa kusoo bandhigay.

Aamir Khan isagana filimkii uu Director-ka ka ahaa sidoo kalena uu doorka wanaagsan ka cayaaray Taare Zameen Par ayaa Super Hit u noqday.

Ugu dambeyntii sanadkan Abhishekh Bachchan ayaa awood balaaran lasoo baxay madaama filimkii Guru uu Hit weyn u noqday sidoo kalena bandhigiisa siweyn ayaa loo amaanay.

Dhanka Atirishooyinka Xiligaas ugu awoda badnaa sanadii 2007:

Kareena Kapoor: Filimkeedii Jab We Met ayaa awooda Bollywood-ka iyo Boxoffice-ka kula wareegtay.

Katrina Kaif: Inaba caadi ma ahan aflaan badanoo guulo waa weyn gaareen ayay la timid sida Welcome, Partner, Namaster London iyo kuwo kale.

Vidya Balan: Filimadeedii Heyy Baby iyo Bhool Bhulaya ayaa noqdeen Big Hits.

F.G: Sanadkan waa sanadkii Kareena Kapoor waxayna Bollywood-ka kaga yaabsatay filimkeedii Jab We Met kaasi oo guusha weyn gaaray sidoo kalena noqday filim Classci ah waxayna ku guuleestay abaal marin walbo ee sanadkaas la bixiyay.

Katrina Kaif ayaa noqotay xidigta dhanka Boxoffice-ka looga dambeeyo madaama aflaanteeda inta badan ay guulo taariikhi ah gaareen sida Welcome, Partner, Namaster London.

Vidya Balan ayaa awoodeeda iyo jilinkeeda banaanka soo dhigtay madaama filimadeedii xiisaha badnaa Heyy Baby iyo Bhool Bhulaya ayaa noqdeen Big Hits.

Sanadkan Bollywood-ka xidig cusub ayaa kusoo biirtay sidoo kalena isla sanadkan ayay noqotay gabar laga daba dhacay waana Deepika Padukone oo la timid filimkii Blockbuster-ka noqday ee Om Shanti Om.

La Soco Sedexdii Atoore Iyo Sedexdii Atirisho Ee Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa Sanadii 2008:







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment