DAAWO SAWIRRO: Shahid Kapoor Oo Casho Geeyey Xaaskiisa Mira Rajput Iyo Ujeedkii Uu Ka Lahaa

Bulsha:- Atooraha la jecel yahay ee shirkadda aflaanta dalka India ee Bollywood Shahid Kapoor iyo xaaskiisa Mira Rajput ayaa waxay waqti ku qaateen magaalada fiidnimadii Arbacadii.

Most Adorable Couples Of Bollywood waxay go’aansadeen inay waqti kusoo qaataan magaalada isla markaana ay kusoo sheekeystaan bannaanka, halka sidoo kale ay doonayeen inay iska soo qaadaan caajiska cunnada aqalkooda.

Mid ka mid ah maqaayadaha loogu jecel yahay xaafadda Bandra ayey booqdeen halkaasoo ay kasoo casheeyeen, waxaana xusid mudan inay saxaafaddu sawirro soo jiidasho leh ka qabatay Shahid Kapoor iyo xaaskiisa Mira Rajput oo gacmaha isheysta xilligii ay maqaayadda kasoo baxayeen.

Shahid Kapoor iyo xaaskiisa Mira Rajput sida iska cad waxay doonayaan inay bannaanka kusoo sheekeystaan, sidoo kale atooraha filimka Padmavati ma doonayo inay xaaskiisu aqalka ku caajiso waana sabab kale oo kulankoodaan loo daliishan karo.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment