Inaba Caadi Ma Ahan Sida Tikit-ka Filimka Dangal Gudaha Hindiya Looga Goosanaayo

Bulsha:- Xiligii barwaaqada Bollywood-ka ayaa dib usoo laabatay madaama la xaqiijiyay si waali ah loo iibsanaayo tikit-ka filimka Dangal ee Mr. Perfectionist Aamir Khan hogaamiyaha ka yahay.

Shabakada Boxoffice India ayaa soo daabacday maqaal ayay ugu magac dartay “Dangal Has An Excellent Advance”

Hadaba maqaalkan oo ay shabakada Filimside idiin turjuntay hoos kaga bogo muhiimadiisa:

Dangal si aad u wanaagsan ayuu ku socdaa marka la fiiriyo sida hormariska ah ee tikitkiisa loo iibsanaayo, sida muuqato maantadan ganacsiha hormariska ah ee uu Dangal sameeyay waa 15 Crore.

Dangal wuu ka yar yahay filimka Sultan inta hormaris ah tikit u goosatay balse wuxuu la mid yahay filimkii Prem Ratan Dhan Payo tirada tikit-ka hormaris ahaan u goosatay.

Sultan wuxuu heestay 5-maalmood oo fasax ah halka PRDP uu heestay isagana 4-maalmood oo fasax ah laakiin Dangal wuxuu heestaa sedex maalmood oo fasax ah waana sababta keentay in Dangal iibsashada tikit-yada sida hormariska ah loo gatay laga bato.

Meelaha qaar waa xitaa Dangal tikit iibsashada filimka Sultan wuu ku garaaci doonaa marka ay maanta oo Khamiis ah dhamaato, waayo dadka ku xiran tiyaatarada daqliga badan laga helo (Multiplex) laga bilaabo Khamiista ayay bilaabaan iibsashada tikityada.

Sida muuqato Dangal waxaa laga daawan doonaa 4000 ilaa 4100 tiyaatar wuxuuna noqon doonaa filimka sedexaad ama afaraad ee tiyaatarada ugu badan ebid maalinta kowaad la saaray.
Sidoo kale luqadaha Tamil iyo Telugu ayaa Dangal lagu daawan doonaa laakiin ganacsigaas ma ahan mid xisaabtan galo madaama filimada Hindiga ah inta badan Koonfur Hindiya gacansi weyn ka sameynin marka Tamil iyo Telugu lagu codeeyo.

Dangal sida uu ku socdo waxay hubaal u tahay in Sultan kadib Bollywood-ka sanadkaan heleen filim weyn oo abaarta ka saaro, halka uu hiigsanaayo waxaa la ogaan doonaa marka tiyaatarada la saaro ganacsiga lixaada leh uu sameeyo marka la arko.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment