Miyuu Megastar Amitabh Bachchan Sameyn Doonaa Filim Uu Ugu Talogalay Hooyadiis?

Bulsha:- Megastar Amitabh Bachchan wuxuu daaha ka qaaday inay gabadhiisa Shweta Nanda dooneyso inay aragto filim laga sameeyey noloshii ayeydeed dhashay aabaheed Teji Bachchan.

74 sanno jirkaan Amitabh Bachchan ayaana lagu soo waramayaa inuu u dhego nuglaaday qorshahaan maadaama uu doonayo inuu adduunka bannaanka usoo dhigo macluumaad aysan ogeyn oo ku saabsan hooyadiis Teji Bachchan.

Teji, ayaa waxay guursatay aabaha dhalay Amitabh ahna abwaan halyeey ah oo laga ixtiraamo India Harivanshrai Bachchan, waxayna aheyd shaqsi u ololeeya xuquuqda bulshada. 21kii bishii December ee sannadkii 2007dii ayey dhimatay iyadoo 93 sanno jir ah. Waana afar sanno ka dib markii uu dhintay seygeedii Harivanshrai Bachchan.

Dabcan shalay oo Arbaco ah ayey ku beegneyd sannad guuradii 9aad ee kasoo wareegtay markii ay dhimatay Teji Bachchan, wiilkeeda Amitabh ayana daaha ka qaaday inay qoyskiisu xusuus wanaagsan ka heystaan hooyadiis.
Amitabh ayaa wuxuu kusoo qoray bartiisa Twitter: “Waxaan ku noolahay xusuusta hooyadeed iyo ducadeeda waxaana maalintii oo dhan rajeeyaa inaan noqdo hooyadeey oo kale.

“Qoyskeygu waxay ka wadahadleen inaan filim ka sameyno nolosheedii. Gabadha reerka ayaa igu dhahday aabe waa inaad sidaas sameysaa. Haa xaqiiqadu waxay tahay waxyaabo badan oo aan laga ogeyn ayaa jira. Laakiin dadkii iyada garanayey oo keliya ayey ku kooban yihiin”.

Filimkaan ayaa laga yaabaa in lagu soo beego sannad guurada 10aad ee kasoo wareegtay markii ay ifka ka tagtay Teji Bachchan.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment