Maxay Sunny Leone Ka Tiri Inay 4 CRORE Ku Qaadan Doonto Ku Ciyaarista Heesta Laila Main Laila Ee Filimka Raees?

Bulsha:- Atariishada lagu magacaabo Sunny Leone ayaa beenisay wararka sheegaya in loo soo bandhigay qiimo lacageed dhan 4 CRORE si ay heesta Laila main Laila ee ku jirta filimka Raees ee uu hogaamiyaha ka yahay Shah Rukh Khan ay ugu ciyaarto xaflad la dhigi doono Sannadka Cusub 2017ka.

Sunny Leone ayaa daaha ka qaaday inay noqon laheyd shaqsiga ugu farxadda badan adduunka haddii ay xaqiiqo ahaan lahaayeen wararkaan sheegaya inay keliya ku ciyaarista heestaan ku qaadaneyso qiimo lacageed dhan 4 CRORE oo lacagta India ah.

Waxay Sunny u sheegtay shabakadda IANS: “Waxaan rajeynayaa inay wararkaani xaqiiq noqdaan. Waxaan noqon lahaa shaqsiga ugu farxadda badan adduunka haddii aan Rs 4 crore ku heli lahaa ku ciyaarista heestaan iyo xaflad ka dheceysa Mumbai.

“Waxaan rajeynayaa inay wararkaani xaqiiqo noqdaan, laakiin nasiib darro wararkaani ma ahan kuwo xaqiiqo ah.”
Markii hore heesta Laila main Laila waxaa lagu soo bandhigay filimkii Qurbani ee la daawaday sannadkii 1980dii, laakiin markaas magaceedu wuxuu ahaa Laila ho Laila. Markii uu soo baxay goosgooska filimka Raees, Sunny waxaa lagu ammaanay wacdaraheeda heestaan.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment