Bulsha:- Kareena Kapoor Khan waxay dhashay cunugeedii ugu horreeyey, wiilkaan waxaa loo bixiyey Taimur Ali Khan subaxnimadii Talaadadii ayeyna umushay atariishada Bollywood Kareena Kapoor.
Tan iyo markaas Kareena Kapoor Khan waxay ku jirtay isbitaalka taageereyaasheeda iyo taageereyaasha Saif Ali Khan ayaana ku sugayey gurigeeda. Haatan waxay kasoo bexeen isbitaalka waxayna kusoo laabteen gurigooda halkaasoo ay taageereyaal farabadan ku sugayeen.
Taimur Ali Khan Pataudi ayaana waxaa si rasmi ah u arkay taageereyaasha Bollywood, kuwa gaarka ah ee Kareena iyo Saif ka dib markii labadoodu ay kusoo laabteen gurigooda isla markaana ay salaameen taageereyaashooda.
Sawirro gaar ah ayaana laga soo bandhigay lammaanahaan iyo wiilkooda Taimur Ali Khan Pataudi oo markii ugu horreysay la keenay guriga waalidkiis. Halkaan hoose ka daawo sawirradaas.



_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment