Bulsha:- Mr. Perfectionist Aamir Khan filimkiisa Dangal waxaa laga daawaday gudaha USA/Canada maalintii shalay ahayd 21-ka December si fasaxyada Christmas-ka oo halkaas xili hore ka bilaabanayo looga faa’iideesto.
Sida ay xaqiijisay shabakada Rentrak ee Hollywood-ka iska leeyihiin sidoo kalena ganacsiga filimada caalamka xaqiiqada ka sheegto Dangal maalintiisa kowaad USA wuxuu ka keenay $ 282,280 halka Canada uu kasoo xareeyay $ 42,816 sidoo kalena wadar ahaan USA/Canada wuxuu keenay filimkaan $ 325,096 [2.21 crore].
Dangal maalinta kowaad waxaa laga 333 goobood Waqooyiga Ameerika wuxuuna sameeyay ganacsi wacan asigoo si wanaagsan ku bilaawday sidoo kalena la filaayo maal maha nagu soo fool leh lacago aad u fara badan inuu soo xareeyo.
Filimada la daawaday Midweek ama todobaadka bartamihiisa ee gusaha USA/Canada laga daawaday weli Sultan ayaa lacagaha ugu badan maalinta kowaad soo xareeyay.
Waxaana ku xigo filimka Prem Ratan Dhan Payo oo isagana Midweek la daawaday maalinta kowaad halka Dangal uu booska sedexaad taagan yahay.
Fadlan hoos kaga bogo filimada Midweek ama todobaadka bartamihiisa laga daadaway Waqooyiga Ameerika kuwooda lacagaha ugu badan soo xareeyeen:
Sultan $502,000 (Arbaco)
PRDP $387,000 (Khamiis)
Dangal $325,000 (Arbaco)
Jab Tak Hai Jaan $319,000 (Talaado)
Ek Tha Tiger $209,000 (Arbaco)

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment