Bulsha:- Superstar Aamir Khan kaasoo sugayo inuu usoo baxo filimkiisa “Dangal”, ayaa sheegay inuusan kalsooni qabin oo uu markasta oo ka walwalo filimada usoo baxo.
” Waligey kaslooni ma dareemin, markasta waan ka walwalaa filimadeeda, mar kasta oo aan sameeno filimo jaceylka iyo daryeelka, waxaan ka walwalnaa jawaabta ay bixinyaan daawayaasha, dhawaan saaxibadeeda qoyskeyga iyo dad aad iigu dhaw ayaan Mahavir Ji Iskula daawanay waxaan farxad noo ah inay jeclaadeen” Ayuu Yiri Aamir.
” Waxaan sugeynaa jawaabta laga bixiyo filimkeeda marka la daawado December 23 (Berri), si Jaceyl ku jirta ayaan u sugaaya” ayuu sii raaciyey Aamir.
Aamir ayaa Dangal ku jili doono doorka Lagdamaaga Mahavir Singh Phogat..
Si uu Aamir doorkaas uga run sheego wuxuu maray tababar adag wuxuuna miisaankiisa ka dhig 93 Kg halka uu awal ka ahay 68kg lix bilood gudahood, waxaana doorkaas uu filimka kaga jiraa qeybaha hore.

Filimkaan waxaa wax ka jilayo Fatima Sana Shaikh iyo Sanya Malhotra.
Directorka Dangal Nitesh Tiwari ayaa filimkiisa u qorsheeyey in shaashadaha la saaro Berri oo ay taariikhdu tahay 23 December 2016.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment