Qiso Yaableh Madiina Munawarah

Bulsha:- Labo dhalinyaro ah oo reer Madina ah ayaa waxay u dalxiis iyo khamri-cab u tageen Dalka Turkey, markii ay gaareen Istanbul waxay iibsadeen Khamri, waxayna kiraysteen Taxi waxayna aadeen meel tuulo ah, waxayna dageen Hotel kuyaallay tuulada, si aan loo arag bay halkaas u tageen…
Markii ay Hotelka galeen ayaa waxaa waraystay Reception (xafiiska aqbalaada) shaqalihiisa nin kamida wuxuuna weydiiyey xageed katimaadeen?..

Markaas bay ugu jawaabeen waxaan ka nimid magalada Madina Al-Munawara..
Markaas baa ninkii shaqaalaha ahaa aad ugu farxay wuxuuna siiyey hool dhan halka uu ka kireyn lahaa qol, asagoo ku karameynaya dadka ka yimid magaladii Nabiga (NNKH), wiilashii hoolkoodii bay tageen, halkoodii bay ku dhafreen oo ay ku cabbayeen khamrigii, markaasay marqaameen, midbaa aad usii wareeray midna wa roonaa xogaa… kadib way iska seexdeen…

Kadib waxaa si lama filaan ah albaabka lagusoo garaacay saacaddii afartii iyo bar arooryo.. midkood baa toosay albaabkii buu furay asagoo il isku haysta… mise waa ninkii hotelka Shaqalaha ka ahaa asagoo leh…
“Imaamkii masaajidka wuu diiday inuu natujiyo markii uu ogaaday in rag reer Madina ah ay tuulada joogaan”… Marka waan idin sugaynaa ee masaajidka hoos kuyaalla noogu imaada…

Markaasaa wiilkii naxay, kadibna wuxuu toosiyey saaxiibkiis.. wuxuuna weydiiyey “War quraanka wax maka xafidsantahay?”
markaasuu ugu jawaabay inuusan awoodin inuu imaan noqdo… kadib way fariisteen waxayna kafakareen siday arintan uga bixi lahayeen… mise mar 2aad baa waxaa albaabkii soo garaacay ninkii shaqaalha ahaa oo wuxuu ku yiri waan idin sugaynaa intuusan wagu baryin…
Markaasay qubaysteen oo waxay soo aadeen masaajidkii… mise masaajidku wuu buux-dhaafay

Midkoodbaa Imaamkii noqday, markii uu salaadda xirtay oo bilaabay faataxadii ayaa waxaa ooyay dhamaan dadkii masaajidka kujiray, ayagoo xasuusanaya masaajidkii Nabiga NNKH, markaasaa wiilkii imaanka ahaana la ooyay dadkii kadib Fataxadii iyo Qul-Huwalle ban aqiinay 2daas bes ban kutujiyey dadkii…
Salaaddii markii aan kabaxnay dadkii oodhan ba iiyimid oo isalaamay… taasina waxay ahayd sababta ALLAH SW uu ku hanuuniyey labadii wiil, wiilkii imaamka ahaana hadda waa shiikh weyn..
Mararka qaar ALLAH wuxuu kugu beegaya arin aad kuhanuuntid (ALLOW na hanuuni)
Markii uu nabigeena uu gaaray Sidratul-Muntaha baa ALLAH uwaxyooday “Muxamadoow madaxaaga kor uqaad, oo wax iwaydiiso wan kusiine”, Nabigeenaa yiri “ALLAHAYOOW waxaad umado ku halaagtay dhul-lagooyn, kuwana waad badashay muuqoodii, ee ALLAHAYOOW umadayda sidee kayeelaysaa?”..
ALLAH yiri “Waxan kusoo dajinayaa naxariisteyda, dambigoodana dambi-dhaaf ban ugu badalayaa, kii ibaryana waan siinayaa, kii italosaartana waan kaafinayaa, kii macsi sameeyana adunkan ku asturayaa, maalinta qiyaamena shafeecadoodan kaa aqbalayaa, haddii uusan qofka wax jecel uusan jeclayn inuu eedeeyo qofka uu jecelyahay kuma xisaabinayo Muxamadoow, haddii aan ahay ALLAHA naxariista badan, adna aad tahay shafeecaha”…
Sidee bay u dayacmaysaa umadaada u dhaxaysa ALLE naxariis badan iyo Nabi shafeec ah…



“Dhowrsanaantaadee ALLAHAYOOW weynaan badanidaa oo naxariis badanidaa”







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment