Bulsha:- Shabakadda Filimside.net ayaa hore idiinla wadaagtay warbixin sheegeysa inuu wiil kusoo biiray nolosha lammaanaha Bollywood Saif Ali Khan iyo Kareena Kapoor.
Durba lammaanahaan ayaa u wanqalay wiilkooda subaxnimadaan Talaadada ah, waxayna u bixiyeen magaca Taimur Ali Khan.
Haatan, Saif Ali Khan iyo Kareena Kapoor ayaa bayaan rasmi ah soo saaray wuxuuna ku saabsan yahay dhalashada wiilkooda Taimur Ali Khan. Halkaan ayeyna shabakadda Filimside.net idinkugu soo turjuntay bayaankooda.
Bayaankaan ayaana wuxuu u qornaa sida tan: “Si aad ah ayaan ugu faraxsanahay inaan idinla wadaagno warkaan cajiibka ah ee ku saabsan dhalashada wiilkeena Taimur Ali Khan Pataudi, kaasoo ifka kusoo biiray 20ka bisha December sannadka 2016ka.
“Waxaan jeclaan laheyn inaan u mahadcelino warbaahinta iyo qaabkii ay inoo fahmeen sidii ay taageerada inoogu muujiyeen 9kii bilood ee lasoo dhaafay… Iyo dabcan taageereyaasheena gaarka ah oo markasta nasiib wanaagsan iyo nolol farxad leh inoo rajeynayey.
“Ciid Wanaagsan (Merry Christmas). Sannad Wanaagsan ayaan idin leenahay dhammaantiin… Waa Saif & Kareena oo idin leh waan idin jecel nahay”.
FIIRO GAAR AH: Waxaa laga yaabaa inay maqaalkaan ku jiraan erayo aan adeegsigoodu habbooneyn. Waana qaabka hadalka loosoo qoray. Marka akhriste qalad ha u fahmin Filimside.net.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment