Filimka Wajah Tum Ho Iyo Mudo 4-Maalmood Ah Lacagaha Uu Gudaha Hindiya Kasoo Xareeyay

Bulsha:-  Filimka Wajah Tum Ho ayaa sameeyay hoos u dhac 50% maalintiisa 4-aad marka lala bar bar dhigo maalintiisa kowaad ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay.

Filimkaan ay wada jileen Sana Khan, Sharman Joshi, and Gurmeet Choudhary ayaa u suura gashay inuu Isniintiisa kowaad gudaha Hindiya ka keeno 1 Crore sida ay shabakada Boxoffice India shaaca ka qaaday.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Wajah Tum Ho iyo 4-maalmood ee ugu horeyso lacagaha uu gudaha Hindiya ka keenay:

Jimco – 2 Crore

Sabti – 1.75 Crore

Axad – 2 Crore

Isniin – 1 Crore

Wadarta Guud – 6.75 Crore (Trade Figure)

Filimka Wajah Tum Ho sida muuqato cimri ahaantiisa gudaha Hindiya wuxuu kasoo xareen doonaa 10 Crore madaama jimcadaan tiyaatarada la wareegi doono filimka Dangal ee Aamir Khan hogaamiyaha ka yahay.
Waxaa la yaab ah in kooxda filimka Wajah Tum Ho sameesay filimkoodii ugu dambeeyay Hate Story 3 maalinta kowaad sanadkii hore lacagaha uu keenay oo ahayd 10 Crore iyo filimka Wajah Tum Ho lacagaha uu keeni doono cimri ahaantiisa isku mid noqon doonaan!!








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment