Bulsha:- 24 sanno jir u dhalatay USA ayaa waxaa ay la kulantay arrin loogu yeeray la yaabkii nolosha ka dib markii ay ogaatay in 68 sanno jirka qabay mudada seddaxda bilood ah ah uu si rasmi ah awoowe ugu yahay.
Warbixintaan waxaa daabacay shabakadda Florida Sun Post, gabadhaani waxay ogaatay inuu ninkeedu awoowe u yahay markii ay baaritaan ku sameysay album sawirro ah uu yaallay guriga seygeeda.
Sawirrada kaga soo baxay albunkaan ayaa waxaa ka mid ahaa aabaha dhalay gabadhaan. 24 sanno jirtaan u dhalatay Mareykanka ayaana wixii intaas ka dambeeyey yaqiinsatay in ninka iyada qaba uu yahay ninkii dhalay aabaheed kaasoo awoowe rasmi ah u ah… Weliba xaaskiisii ugu horreeyey ayuu 68 sanno jirkaani ka dhalay aabaha dhalay gabadha uu qabo.
68 sanno jirkaan iyo xaaskiisii ugu horreeyey ayaa waxay isku waayeen nolosha ka dib muddo sannado ah oo ay isqabeen, wuxuuna u diray shaqsiyaad si gaar ah ugu soo baara halka ay ku sugan tahay balse waxaa la ogaaday inay ka guurtay halkii uu ku ogaa deegaan ahaan.
Markiisii labaad noloshiisa ayuu guursaday sannadkii 2015kii balse waa uu furay xaaskiisii labaad. Markii seddaxaad ayuuna guursaday. Laakiin markaan waxaa gacanta usoo gashay gabar dhallinyaro ah oo ay isku xaafad yihiin taasoo uu ka bartay internet-ka.
Mana uusan ogeyn inuu awoowe u yahay illaa baaritaan ay sameysay gabadhaani seddax bilood ka dib markii uu xaal qasmay, wixii intaas ka dambeeyey gabadhaan aan la magac dhabin ayaa daaha ka qaaday inuu lasoo dersay yaabkii nolosha.
Hase yeeshee, weli lammaanahaani waa ay wadajoogaan inkastoo ay ogaadeen inuu xiriir waalidnimo ka dhexeeyo.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment