La Kulan Kartooyinkii Noolaa: Gabadhaani Waxay Iska Bixisay 6 Feerood Ka Dibna Muuqaalkaan Ayey Lasoo Baxday (Sawirro)

Bulsha:- Haweeneey ayaa waxay isku bixisay magaca Kartooyinkii Noolaa (The Living Cartoon). Waxayna daaha ka qaaday inay iska bixisay lix ka mid ah feereheeda si ay muuqaal ahaan ugu ekaato kartoonka ay ku dayato ee caanka ka ah shaashadda Jessica Rabbit.

Pixiee Fox, oo ku dhowaad 340 kun oo macaamiil ah ku leh mareegaha Instagram ayaa waxaa ay caan ku tahay inay tahay modelka ugu caansan adduunka ee maray qalliinnada isquruxinta ah (Plastic Surgury).

Gabadhaan modelka ah ayaana waxay ku bixisay qiimo lacageed dhan 6 kun oo ginni si ay isaga saarto lix ka mid ah feereheeda iyadoo ujeedka Pixiee Fox uu yahay inay lasoo baxdo dhex yar oo cabar ahaan dhan keliya 14 inches.
25 sanno jirtaan ayaa waxay caan ku tahay inay markasta isku sameyso qalliin ay isku qurxineyso. Waxayna daaha ka qaaday inay dooneyso inay muuqaal ahaan noqoto shaqsi ay ku daydaan dumarka caalamku.
Halkaan hoose ayaad ka daawan kartaa sawirrada gabadhaan modelka ah ee loo yaqaano kartoonkii noolaa iyo qaabka ay u dhexyar tahay.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment